Monday, 13 June 2016

Waayihii Cadaadlay iyo Yaraantaydii: Qaybtii 3aad

Isla-doonasho La-yaab Leh
W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

Waa xagaagii 1987dii, meeshuna waa Berbera, goortuna waa habeen.  Waxa aan ku dhacadiidaa sariir caddiir ah, guri ku yaal xaafadda Daaroole.  Waa dhisme gaboobay oo la sheegay in uu ka sii joogo guriyihii uu Xaaji Mia’tayn (AHUN) ka iibsaday Yuhuuddii Berbera, dhammaadkii 1940aadkii.  

Yuhuudda oo  la hantisiiyay qayb ka mid ah Falastiin bishii Mey 1948kii, waxa ay Sahyuuniyiintu tuur iyo tirbiico isugu yeeleen in ay si dhaqso ah u dadeeyaan dhulkaas, si ay u helaan xoog ay ugu babac dhigaan Carabtii gadiidsabatd ee dhulkoodii laga boobay.  Yuhuudda Carabta waxa ay si nabdooni ku jirto u dhex degganaayaan ammin dheer oo laga soo bilaabi karo gu’gii 586 ka hor dhalashadii Nebi Ciise (NKHA), waana ammin laga joogo 2600 gu’.  Sida ay taariikhdu dhigayso, xilligaasi waxa uu ahaa markii boqorkii Bakhtnasar (Nebuchadnazzer) uu weerar ku qaaday Yuhuudda, burburiyayna Macbadkii Nebi Saleebaan (NKHA), Yuhuuddii waxna laayay, waxana addoonsi ahaan ugu taxaabay Baabiloon, oo dhulka maanta Ciraaq loo yaqaan.  Haddaba, in kasta oo cadhada Carabtu cirka isku shareertay oo uu abuurmay nacayb loo qabo Yuhuuddii ku dhex noolayd, kaddib markii Yuhuudda dal looga sameeyay dhexdooda, haddana waxa la sheegaa in ay jireen shirqoollo dhagaraysan oo ay  ku kaceen sahyuuniyiintu oo lagu samayn jiray Yuhuudda Carbeed, looguna sheegi jiray in ay Carabtu ka dambeeyaan[1],[2] .  Waxa ay taas u yeelayeen in ay Yuhuudda Carbeed qixiyaan.  Yuhuuddu waa ay ku noolaayeen magaalaxeebeedyada carriga Soomaalida, siiba Berbera, Saylac iyo Jabbuuti.  Farsamada lacagaynta ulaha iyo seefaha, oo halkan looga jeedo in lagu qurxiyo macdanta lacagta (fidda) ama dahabka cad iyo qalabka dumarku xidhaan sida dahabka iyo lacagta cad oo ay weliba ku jiraan Xaafiddada caruurta loo xidhi jiray ayay ku xeel dheeraayeen.  Jaaliyadda Yuhuuddu waxa ay Berbera ku lahaayeen xarun isugu jirta bar-cibaadeysi (Macbad) iyo dugsi ay carruuta ku barbaariyaan.[3]

Gurigu waxa uu ka koobnaa daarad, iyo laba qol oo yaryar. Meel daaradda ah, oo aan ka fogayn irridda guriga laga soo galo ayaa ay ii taallay sariirta aan ku jiifsadaa. Cimiladu aad bey u kululayd, waxana lagu jiray xilliga ay dabayl-xagaadu go’do, huurkuna aad u daran yahay.  Waxa aan kolba dhabankayga ku qaboojinayay tuwaal aan  biyo dhex gelinayay, bal in aan waxoogaa neecaw ah uga dayo.  Habeen gudcur buu ahaa, cirkuna ma lahayn caad. Waxana xasuustayda ku soo laabatay carruurnimadaydii iyo aradaagii aannu jeegada (qadaadka) u dhici jirnay, iskuna maaweelin jiray tirinta xiddigaha, inta laga gaadhayo xilliga xiraadda (cashada), …   Xiddigo koow, Xamar gurguro,  Xiddigo laba, Xamar gurguro……. Goor ilaa goor, ka-soofitaankayga joogtada, iyo tiigsashada tagtada,  waxa iga dhabqinayay waaqda tuke-xeebeedka aan habeen oo idil afka isku qaban ee saarnaa geed dhamas ah oo daaradda ku dhex yaallay.  Xadhig soo laalaadda oo ku xidhan daasad quruurux lagu dhex guray ayaa aan  aan kolba ruxaa, si uu uga duulo geedka.  Marka se uu fakaag  yar i siiyoba, waxa igaga darnaa damdamta durbaanka iyo guuxa codadka kooxdii Doonbarada oo ciyaar ka dhex tumanaya xaruntoodii oo aan ka dheerayn guriga aan ku sugnaa.   Doonbaradu waxa ay ahayd ciyaar-dhaqameed ku gaar ah xeebaha siiba Berbera, Saylac iyo Jabbuuti oo kooxahoodu u badan yihiin dad madow ah oo aan isirka Soomaalida ka soo jeedin iyo Carab u badan kalluumaysato. Si la mid ah suugaanta ciyaarta Saylacaawiga, ayaa midhaha heesaha Doonbaradu isugu jireen isku-dhaf afaf dhowr ah, oo ay ku jiraan Afcarabiga, Hindiga, Faarisiga, iyo Soomaaligu.  

Ban-dhiggooda ugu weyn waxa ay qaban jireen hal mar gu’gii kasta.  Heesaha ka sokow, qalabka ay tumaan waxa ugu mudnaa durbaanno, se waxa jiray hal Kaman oo weyn, dhererkiisuna aanu ka yaran laba mitir.  Waxana lagu qurxin jiray muraayado gool ah (wareegsan) iyo baalal gorayo.  Qofka tumayaa inta uu isku soo jeediyo, ayuu xadhig dhabarka ugu xidhan jiray, dhinaca dhuuban ayaa kor loo taagi jiray, faraha labada gacmoodna waxa ay kaga dananin jireen xadhkaha laga sameeyay witirka lagu kalluumaysto.  Ban-dhiggoodaas sannadlaha ah waxa ay ku tegi jireen Xabaalaha Saadada ee ku yaal xeelliga badda, halkaas ayay ka abaabuli jireen ciyaaro la-yaab leh, kuna soo laaban jireen suuqyada magaalada iyaga oo boqollaal qof daba iyo hareer socdaan.  Waxa la rumaysan yahay in ciyaarta Doonbaradu ay ka soo jeedday dalka Suudaan, sida Saarka oo kale ayaa loo tumi jiray, waxana ay lahaan jirtay dad badan oo ku xidhiidhsan.  Gu’gii 2014, mar aan Berbera kula kulmay oday ka sii hadhay raggii tumi jiray, oo aan rabay in aan ka ururiyo xog ku saabsan Doonbarada, waa uu ii bixi waayay, waxana uu ii muujiyay cabsi uu ka qabay rooxaantii Doonbarada !  Xaruntooda lalama geli jirin kabo, irbad ama wax bir ah!   Waxana uu ii la hadlay sidii oo aanay duulkaasi oggolayn in wax laga sheegsheego ciyaarta Doonbarada iyo waxa ay koobsanayso.  Xerta Doonbaradu waa ka koobnaayeen rag iyo dumar-ba.  Waana kuwan qaar ka mid ah raggii lagu yiqiinnay in ay ciyaarta si fiican u tumi jireen: Maxamed Shalameeqo, Hariiroo, Mactuuq, Axmed Al-bis, Cumar Cabdoo, Libaaxoo iyo Gaydh.[4]  Dadka madowga ah, qaar badani waxa ay kasoo jeedaan addoon la xoreeyay oo qaar badan Ingiriisku kaga furtay ganacsatadii addoomaha dhammaadkii qarnigii 19aad.  Qaar kale waxa ay soo raaceen Charles Gordon oo ka soo kicitimay Khartuum, una socday magaalada Herer, waxana ay kaga hadheen Saylac. Marka laga tago in ay baxaari ahaayeen, waxa ay aad uga shaqaysan jireen la-soo-bixitaanka luulka.[5]

Aan u soo noqdo gurigii aan dhex jiifay e, albaabkii guriga ayaa la garaacay.  Waan u kacay, waana ka furay. Mise waa Aw Gahayr Gambaweyne, oo ay aabbahay jaal ahaayeen, lana ii sheegay in uu gunaanaday ka hor intii aannu Alleysanin.  Aw Gahayr, waxa kale oo uu ahaa mid ka mid ah wadaaddada reeraha.  Xilliga gu’giina fakaag muu heli jirin.  Xoolaha ayuu u sekayn jiray reeraha, Mawliidka ayuu u akhriyi jiray, dhallinta ayuu isu meherin jiray, intaas waxa dheeraa wax-isku-la-daalka (dabiibka) ayuu dadka jirran u qaban jiray.  Cashar ayuu diyaarin jiray, qardhaasahana waa qori jiray.   Waxa loo sheegay in aan Berbera joogo, anna aad baan u jeclaystay booqashadiisa.  Kursi caddiir ah ayaa  aan u tilmaamay in uu ku fadhiisto, jalxad biyaysanna koob ayaa aan uga daray. Is-nabdaadin ka dib,  mar qudha ayuun  buu hadalkii joojiyo, waxana aan foolkiisii (wejigiisii) ka dareemay in uu ka muuqdo u-qaadan-waa.  Hadalkan baannu is-sweydaarsannay:
Aniga: Adeer ma wax baa si ah?
Isaga: “Adeer maya e, waxa i yaab geliyay: Meesha ay sariirtu kuu taallaa waa isla goobtii ay Ibraahin naftu kaga baxday!”
Aniga: “Ma aabbahay!”
Isaga: “Haa! Waa goobtii aan ku gunaanaday, oo uu ku neefsaday neeftiisii ugu dambaysay.  Adeer Alle-bari beryahan ma u dhigtay?  Ma se u soo xashtay?  Adeer waa farriin kugu socota. Tan oo kalena weligay umaan soo joogin!”
In yar ka dib ayaannu sii wada sheekaysanaynay. Se wada-hadalkaygii waxa hadheeyay dhacdadan isla-doonshada ah.

Bishii Maarj 1986kii ayaa aan dalka Sacuudi Carabiya ka soo laabtay.  Isla markiiba reer ayaan yeeshay, waxa kale oo aan iibsaday laash kalluumaysi.  Hargeysa ayaan degganaa, se labadii toddobaadba mar ayaan u soo dhaadhici jiray Berbera si aan uga war helo shaqaalaha laaska iyo wax-soo-saarkooda.  Markaas ayaa aan  aan go’aansaday in aan guri yar Berbera ka kiraysto – kol haddii noqnoqodkaygu ku badnaa.  Se beryahaas, dadku waa ku badnaayeen magaalada, guriyuhuna cidhiidhi bey ahaayeen, waxana ay igu qaadatay afar bilood oo cir Alle ka dhashay in aan helo gurigan yar.  Weyddiinta yaabka badan ee igu soo noqnoqonaysay habeenkaas waxa ay ahayd: “Sidee bey ku dhacdaa in aan ku hagaago, oo kiraysto, ogaanshiiyo la’aan, isla gurigii uu aabbahay (AHUN) ku geeriyooday 23 gu’ ka hor! Se ayaanka igu hagaajiyay gurigan ka mid ah ugu yaraan dhowr kun oo guri oo Berbera ku yaallaa muxuu yahay?

Xasuustaasi waxa ay igu celin doontaa mar kale iyo magaaladii Cadaadlay …………………….



[1] Gat, Moshe (1 May 1997), The Jewish Exodus from Iraq, 1948–1951, Routledge, ISBN 978-0-7146-4689-3, retrieved 5 April 2010
[2] (Morris &  Black, 1992, Israel’s Secret Wars: A History of Israel’s Intelligence Services p. 92) 
[3] Warkan waxa ii sheegay Cumar Hadraawi (AHUN), isla markaana ii tilmaamay barta uu ku yaallay gurigaas macbadka ahaan jiray. Cumar Hadraawi waxa uu ahaa ganacsadi iyo siyaasi aad u firfircoonaa lixdanaadkii ilaa siddeetanaadkii qarnigii tegay.  Waxa uu ka mid ahaa aasaaseyaashii xisbigii Somali Democratic Union (SDU) oo loo yiqiinnay "Calan-cas".  Maxaa yeelay, calankooda ayaa casaa. Waxana uu xisbigaasi u dhaqdhaqaaqi jiray mabda'a hantiwadaagga.. Waxa Cumar xidhiidh fiican la lahaa Shiinaha. Waxana jirtay badhtamihii 1960aadkii in uu hormood ka ahaa in Shiinuhu Hargeysa ku soo ban-dhigo wax-soo-saarkooda. Ban-dhiggaas waxa lagu qabtay Beerta xorriyadda. Intaas waxa dheer in uu 'thaqaafaddiisa' diineed iyo carabidu aad u xeel dheerayd. Waxa kale oo uu ahaa nin hal abuur leh oo waxyaabo ugub ah soo kordhin jiray. Magaciisu wax xidhiidh  ah lama laha Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi).
[4] Waxa warbixintan i siiyay nin magaciisu ahaa Ahmed-Nuur oo ka tirsanaan jiray xerta Doonbarada.
[5] Rayne, M. C. H., Sun, Sand and Somals. (1921);

No comments:

Post a Comment