W/q: Axmed
Ibraahin Cawaale
Qaybtii koobaad ee xasuusqorkaygan yaraannimo, waxa aan kaga
hadlay guudmar kooban oo ku saabsan noloshii bulsheed iyo dhaqandhaqaale ee ka jirtay
Cadaadley bilowgii 1960aadkii. Qaybtanna
waxa aan xoogga saari doonaa in aan wax ka xuso dhacdooyin ku saabsan gu’yaashii
ugu horreeyay ee waxbarashadaydii dugsiga hoose.
Waxa aan qaybtii hore ku soo sheegay in aan ayaan (nasiib) u
helay in qoristaydii dugsiga uu goobjoog ahaa Maxamuud Axmed Cali (AHUN), oo
waayadii dambe lagu maamuusay magaca
dheeriga ah ee “Aabbihii Waxbarashada.”
Waxana dhaqan u ahayd in uu kormeer ku sameeyo dugsiyada marka ardayda
la qorayo, si uu u hubiyo in arday kasta oo farta la gelinayaa! (waa sida la
odhon jiray e) ama dugsi la qorayaa, uu korka ka hayo ugu yaraan shan jus oo
Qur’aan ah. Waxana uu fulinayay
habdhaqan lagu laasimiyay hoggaankii
waxbarsho ee Maxmiyaddii Ingiriiska ee Soomaalilaan – kaas oo ay hore ugu
heshiiyeen culimadii Soomaaliyeed iyo saraakiishii Ingiriis ee dalka ka
talinaysay. Waxana uu arrinkani dabada
ku hayay dhaqdhaqaaqii diinf-fidineed ee Mikinisaddii Rooman Kaatoliggu ka
bilowday Berbera dhammaadkii qarnigii 19aad oo waayadii dambe se albaabada loo
laabay. Laga soo bilaabo xilligaas, Soomaalidu dareen weecsan ayay ka qabeen
dhaqdhaqaaq kasta oo waxbarasho oo kasoo jeeda dhinaca Ingiriiska. Waana ta
keentay in waxbarashada reer Galbeed ay si gaabis ah, digtoonaanina ku jirto ku
socoto. Haddaba, in la hubiyo in
ardaygu shan jus qaybsan yahay, waxa ay wadaaddadii Soomaaliyeed u arkayeen in
Qur’aankaasi, ugu yaraan, noqon karo wax u dhigan tallaal ka-hor-tag in doorin
lagu sameeyo rumaynta ilmaha dugsiyadaas oo kale la qorayo.
Dugsigu waxa uu ka koobnaa hal qol oo waxbarasho, xafiis ku
dheggan oo leh qayb dambe oo keydka la dhigo, iyo suuli ka kooban saddex god,
oo mid ka mid ahi macallimiinta u gaar yahay. Tirada ardayda isku mar la na
wada qoray waxa ay ahaayeen 33. Da’doodu
waxa ay u dhexaysay 6 jir ilaa 16 jir.
Dhammaantayona wiilal baannu ahayn.
Baahi loo qabay in la helo cid wax uun barata ayaa keentay in aan da’da
lagu xidhin gelitaanka dugsiga. Kuwa
noogu waaweyn oo toorar ahaa, oo aannu ugu yeedhi jirnay “Toor-bilaa-quruun” (Thawr bilaa quruun), ama Dibi aan geeso lahayn, waxa aan aan ka xasuusanahay kuwan leh naanaysahan: Haykal, Xiis, Quduf
iyo Boqoshaar. Qaarkood macallimiinta
waa ka madax fiiqnaayeen. Dharka aannu
dugsiga ku tegi jirnay waxa ay ahaayeen shaadh cad oo aannu hoosta marin jirnay
iyo surwaal gaaban oo kaaki ahaa, noona joogi jiray bowdyaha. Waxana noo toil jiray
nin Jibriil la odhon jiray oo ahaa
dawaalaha keliya ee magaalada deggan.
Nimankaas aan soo sheegay waannu arki jirnay in ay dhibsan jireen marka ay fadhiistaan oo
laga yaabo in xumaystoodu (cawradoodu) ban dhiganto!
Bareyaal dhowr ah oo markii aan dib u raacay waxbarashadoodii
kasoo qalin jibiyay Suudaan iyo Masar ayaa wax noo dhigi jiray. Kani waa Macallin Cismaan. Nin dheer oo madow
ayuu ahaa. Waxa uu dhigi jiray Carabida
isla markaana waxa uu tababare noogu ahaa jimicsiga jidhka. Waxa aanan illoobi karin sidii uu mararka
qaarkood kubbad yar oo Abu-cudbi ah ugu dhaga-dhagyn jiray lugtiisa, isla
markaana iyada oo aanay mar keliya ka dhicin ku dhammays tiri jiray heestii waddaniga ahayd
ee Sah Ya Kanaar, ee uu midhaheeda
curiyay askarigii reer Suudaan Maxamuud
Abu Bakar. Waana tan oo aan Youtube-ka
ka dhex helay:
https://www.youtube.com/watch?v=D_Xdz9uw_fM
Inta uu na qaybsiiyay ayaannu annaguna lugta ku ciyaarsiin jirnay kubadda.
Inta uu na qaybsiiyay ayaannu annaguna lugta ku ciyaarsiin jirnay kubadda.
Kanina waa Macallin Maxamed.
Waxa uu dhigi jiray Ingiriisida iyo farshaxanka. Macallinnimada waxa u dheeraa fannaannimo.
Isaga ayaa noo geli jiray xiisadda farshaxanka iyo naqshadaynta. Waxa aannu adeegsan jirnay qalin-xaydheed iyo waraaqo adag oo midabbo leh oo aannu u adeegsan jirnay aslidda, iyo
qaar aannu u niqiinnay “Sukhruf” oo aannu maqasyo ku googoyn jirnay una haabayn
jirnay qaab qurux san. Waxa kale oo
dugsiga noo yaallay wax laodhon jiray Dhoobo-bilaadi aannu
kolba u qaabayn jirnay muuqaallo saddex-dhaban ah (three dimensional) oo ay ugu door-roon yihiin hal (hashii Maandeeq!), libaax, wan, sac, deero iwm. Dhoobo-bilaadidu ma ahayn wax qallasha, ammin
aad u dheerna waa la adeegsan karayay. Marka aannu howsha ku qabsannona inta
dib loo kuus-kuuso ayaa kaydka dugsiga la noogu celin jiray. Dhinaca fanka, mararka qaarkood waxa uu
ardayda ku boorrin jiray in ay heesaan.
Taranka heesahana waxa goor kasta koobka qaadi jiray Maxamed Baanday
(AHUN). “Raaxeeye” iyo “Beer-dillaacshe”, iyo qaar kale oo
waddaniyadda ku saabsan ayaa ahaa kuwa ugu caansan ee aannu qaadno. Magool iyo heesteedii “Dhirta xididka hoosaa dhulka loogu beeree….” ayaa kaabid noogu
ahayd cilmigii dhirta (botany) ee
aannu baranaynay.
Macallin Maxamed, nin hadal badan ma ahayn. Marka aanu xiisad
noogu jirin, waxa uu jeclaa in uu geed dugsiga ku hor yaalla kursi iyo miis
dhigto, ku laabto (samaysto) sagaro.
Sagaro waxa la odhon jiray buuri la wershadeeyay oo lagu soo ridi jiray
daasad yar oo leh dabool furmi kara, waxana wehelin jiray waraaqo yaryar oo la isku sar gooyay oo buuriga lagu laabi jiray. Inta uu
waxoogaa buuri ah waraaqda ku dhex shubo ayuu farahiisa ku laabi jiray, hareeraha carrabka qoyaankiisa ka marin jiray si ay isugu dhegto, kaddina tarraq ku shidan jiray. Ma aanaan garan kari jirin wax u diiday in uu
soo iibsado sigaar diyaar ah. Hoostaa
ayaannu ka xaman jirnay oo dhihi jirnay xashiishad buu ku laabtaa! Hadda annaga oon aan weligayo arag, urinna sida ay u eegtahay! Se marka uu nuugayo, waxa uu noola eekaa in
uu duni kale la shaxayo. Sida uu qiiqa afkiisa uga soo baxayay u madoobaa, ayuu
arrinkiisuna nooga madoobaa.
Kanina waa Macallin [.....].
Xisaabta ayuu noo dhigi jiray. Waxa uu se ahaa nin naxariis daran. Waxana aannu u bixinnay “Gaal Madoow”. Ushu dhinaciisa kama ay fogaan jiray. Waxa uu hal-hays u lahaan jiray “Al casaa, li man casaa” (Karbaashka waxa
leh, qofka weecda) – weecadkaasi ha noqdo
in ardaygu sidii la rabay uga shaqayn waayo xisaabta, ama ha sameeyo
amar-diiddo. Dhacdo aad u xanuun badan
oo aan xasuusta ku hayo waxa ay ahayd:
Mid ka mid ah ardayda ayaa lagu soo eedeeyay in uu muraayadda
daaqad dambe ee kaydka dugsiga inta uu jebiyay, ka tiigsaday oo kala baxay buugaag. Wiilkii markii la ogaaday, wuu qirtay. Halkii loo dhaafi lahaa , waxa uu Macallinki faray ardaygii in uu fasalka gudahiisa soo hor joogsado, bixiyo shaahkiisii iyo
garankiisii. Kaddib laba warqadood oo ah
jaadkii aannu farshaxanka ku dul asli jirnay ayuu mid walba ku qoray ereyga
Afcarabiga ah ee (AL-LIS) oo ah "TUUG". Kaddiba inta uu xadhig isugu xidhay ayuu
qoorta u geliyay, si ay sii jeed iyo soo jeed uga muuqato. Kaddibna inta uu nagu soo jeestay ayuu nagu
yidhi waxa aydin mar keliya ku dhawaaqdaan, kuna celcelisaan “AL-LIS !” (Tuug,
Tuug..) Shan ama lix jeer markii aannu
ku celcelinnay cod dheer, ayuu is-hayn kari waayay ardaygii. Waa ka orod kaga kuday irriddii fasalka, sida
dabayshana u cararay jidkii toosnaa ee magaalada, labadii warqadoodna ay
dabayshu babbinayso, ilaa uu godankii magaalada nagaga libdhay! Hanjebinta iyo bahdiliddaas foosha xumi waxa ay keentay in
wiilkaasi kaga caago waxbarashadii.
Macallimiinta dugsiga hoose nagu soo martay waxa sidoo kale ka mid
ahaa Macallin Cumar-Ceesh, oo casharrada diineed iyo Afcarabida si xeeldheer noogu dhigdhigi jiray. Sheekhu waxa uu wax ku soo bartay Jaamacadda Azhar, waxana uu ka mid noqday aasaaseyaashii Ururkii Midnimada Islaamka (Waxdat ashabaab Al-Islaami) oo Hargeysa lagu dhisay 1969kii.
Gu’gii ugu horreeyay ee waxbarasho ayaa noo dhammaaday, waxana la gaadhay xilligii la soo ban dhigi lahaa, lana yeedhin lahaa arday waliba wixii uu shaqaystay. Maalin sabti ah ayay ahayd. Kuraastii oo dhan ayaa bannaanka la soo dhigay. Waxa loogu talo galay in ay adoogyada iyo xigtada ardaydu ku fadhiistaan. Ardaydina waxa ay ku fadhiisteen dhowr caw-wood. Macallimiintina meel naga soo horjeedda oo hilaaddii 30 tallaabo noo jirtay ayay miisaas kor dhigteen war-bixintoodii iyo abaal-marinnihii ay bixin lahaayeen. Yeedhintii ayaa bilaabantay, waxana loo abaaliyay sidii ay u kala horreeyeen: Hebel hebel 1, Hebel hebel 2, 3,4…5 Waad arki kartaa mid wal oo ka mid ah shanti ugu derejo sarreeyay raynraynta foolashooda ka muuqatay, iyo kalsoonida ay ugu tallaabsanayeen dhinacii macallimiinta. Dhinaca kalena waad arki karaysay in raynrayn la mid ahi ka muuqatay aabbaha wiil kasta oo dhowrkaas arday ka mid ah. Aabbahay ayaa dhex fadhiya odeyaasha. Waan garan karaa in uu jeclaan lahaa in aan ku soo baxo kaalmaha ugu horreeyay. Se ma ay dhicin gu’gaas. Markii uu tirsigu marayo 32 ayaa magacaygii la yeedhiyay. Waxa naruuro yar i gelisay macallinkii oo ii cudur daaray, isaga oo sheegay in aan aad u yaraa, oo aanan weli ii dhicin shaqada la iiga baahnaa.
Gu’gii xigay ayaa fagaarihii oo kale mar labaad la isugu soo
noqday. Se markan ma uu imanin aabbahay.
La-yaabna ma uu lahayn; waxana laga yaabaa in uu is lahaa sidii hore
ayay wax u dhacayaan. Se doorkaas waa
aan dadaalay oo waxa aan galay kaalintii 10aad, waxana aan ku laabtay aabbahay
aniga oo weliba sitaa abaal-marintii “akhlaaqda.” Dareen-qaadashadaydii gu’gii koobaad waxa ay
keentay in aanan intii ka dambaysay ka dhicin kaalinta labaad ama koobaad.
Gu’gii labaad, oo aannu ku jirnay fasalkii labaad, waxa aan u
soo joogay geeridii ugu horraysay ee haleesha qof aan garanayo. Wiilkii kaalinta koobaad noo galay ayaa u
geeriyooday xanuun uu ammin kooban la jiifay.
Murugo weyn bey no ahayd in wiil yar oo gu’gii noloshu u curanayo, aadna
noogu dheeraa, tusaalena noo ahaa, in la naga qaado! “Ilaahay
ma naxo e, waa uu naxariistaa !” Duco Eebbe (sarree oo korreeye) loogu baryayo in uu
naxariistiisa ku galladaysto ayaa la abaabulay, waxana loo dhigay Mawliid lagu dhex
qabtay fasalkayagii uu ka baxay gudihiisa.
Walaf iyo bargo'!
ReplyDeleteQaybtii saddexaad ayaan u malabsanayaa😂
Buug dhanna waad ka daabacaysaa, sow ma aha?
ReplyDeletesi fiican ayaad u qortay macallin, aadna wuu u xiiso badnaa intaan akhrisanaayay qoraalkaagan. Qaybaha kalana noo soo dadaji, mahadsanid
ReplyDeleteSheeko taariikheed hiiso badan mahadsanid ustaad
ReplyDelete