W/Q Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Qoraalkan
kooban waxa aan wax yar ka iftiimin doonaa Islaamka halka uu dhigay dhowrista
deegaanka. Sidoo kalena, waxa uu taaban
doonaa saansaanka dadyowga Muslimiinta ah iyo halka ay ka taagan yihiin
dhawaaqyada dhiillada xambaarsan ee isa-soo taraya ee ku saabsan taya-dhaca
deegaanka arlada iyo sida loogu baahan yahay in ay kaalin mug leh ka qaataan
ka-samatabbaxa halisaha ka dhasha burburka deegaanka.
Arlo Xuurtoon ah
Arladan
aynu ku noolnahay waxa lagu hilaadiyaa da’deeda
4.5 bilyan oo gu’. Da’daasina waxa loo kooxeeyaa geeddi-socodyo
(marxalado), taas oo xilli waliba saansaan gaar ah ku suntan tahay. Haddaba marxaladdan ugu dambaysa oo ku suntan
xilligii uu aadanuhu raadayntiisii ugu badnaa ku yeeshay arlada, waxa lagu
magacaabaa ‘Anthropocene.’ Xilligaas waxa laga soo bilaabaa ama uu la
bilaabmay Kacaankii Wershadaha (Industrial
Revolution) oo lagu taariikheeyo in uu bilaabmay qarnigii 18aad. Halka geeddi-socodyadaas hore qaarkood ay
ammintoodu dherer le’ekayd in ka badan hal Bilyan oo gu’, tan ugu dambeysay,
ilaa maantadan kama badana 200 gu’ oo keliya.
Saas oo ay tahay, marka la is-barbar dhigo dhaawaca iyo tayo dhaca
arlada soo gaadhay 200 ee gu’ ee u dambeeyay iyo intii ay soo jirtay, waxa darnaan badan inta soo gaadhay ammintan dambe.
Raadadka taban ee arlada ka muuqata ee ay ka mid yihiin dabar go’a nooleyaal iyo dhiroon kala duwan, dhir-xaalufin ba’an iyo lama-degaannimo (saxarow), doorsoon cimilo, dikhow (pollution), iyo qaar kale (iqk) waxa ay ka dhigeen arladii carro-edeg mid xuurtoon ah. Waxa kale oo ay raadayn tabani ku socotaa hababkii laf-dhabarku u ahaa deegaanka (ecological processes), ee ay ka mid ahaayeen wareeggii macdanta (nutrient cycle), wareeggii tamarta (energy cycle), wareeggii biyaha (water cycle) iyo falgalkii bulshooyinku deegaanka la lahaa (human dynamics).
Si la mid ah, tayo-dhaca kheyraadka dabiiciga ah iyo weliba kaabayaasha nololeed ee lagama-maarmaarka u ah nolosha aadanaha iyo noolaha kaleba, waxa aynu kala soo dhex bixi karnaa timaaddo cabsi badan huwan iyo mugdi ku soo fool leh nolol-samidii arlada.
Muslimiinta iyo Arrimaha Deegaanka
Maanta
adduunweynaha, arrimaha dhowrista deegaanku, dalal badan, siiba kuwa reer
Galbeedka, waxa ay ajandayaashooda kaga jiraan meel sare. Waase
run in dhaqdhaqaaqooda dhaqaale, tiknoolajiyadeed, warshadeed iyo
is-gaadhsiineed ay kaalin mug leh ku
leeyihiin dikhowga arlada iyo doorsoonka cimilada. Haddana waxa dhinaca kale barbar socda in ay u
badan yihiin bulsho wacyigooda dhinaca
deegaanku ka korsan yahay marka la barbar dhigo ka Muslimiinta.
Bulshada arlada ku nool waxa lagu hilaadiyaa 7 bilyan oo qof. 4tii qofna 1 ayaa Muslim ah. Sidoo kale, inta badan, dhulka ay Muslimiintu ku noolyihiin waa dhulka ugu nuglaanshiiyo badan tayo-dhaca deegaanka ku yimaadda iyo raadaynta doorsoonka cimilada, waana dhulalka ay had iyo goor ka dhacaan xaaladaha degdegga ah ee la xidhiidhka cimilada adag – oo ay ugu mudantahay abaaruhu. Sidaas oo ay tahay, haddana, waxa muuqata in aanay wax muuqda ku darsan dhaqdhaqaaqyada caalamiga ah iyo baaqyada ku aaddan dhowrista deegaanka.
Arrintani waxa ay kaaf-iyo-kala-dheeri ku tahay aragtida Islaamka ee dhowrista deegaanka. Waxana diinta Islaamka lagala soo dhex bixi karaa tilmaamo cadcad oo majaraha u jeexi kara deegaan dhowrsoon iyo horumar joogtaysan. Maanta oo kalena ma jirto xilli looga baahi badan yahay in la horumariyo, la fidyo, lana dhaqan geliyo aragtiyaha dhowrista deegaanka ee ku dhex jira Qu’raanka Kariimka ah, Sunnaha Suubbanaheenna, iyo culuunta Fiqhiga.
Islaamka iyo Deegaanka
Xaqiiqada
ah in koonka iyo waxa ku guda jira Eebbe abuuray, isla markaana ay u hoggaansan
yihiin qawaaniintiisa dabiiciga ah ayaa iyagana
dhammaantood ka dhigaya in ay Muslim
yihiin. Eebbe (Sarree oo Korreeye) waxa
uu leeyahay:
“Miyaadan
arkayn inay Eebbe u sujuudi waxa (ku
sugan) samooyinka iyo dhulka iyo qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha iyo buuraha
iyo geedaha iyo xaywaanka iyo waxbadan oo dadka ahi……” (Qur’aan: Al-Xaj: 18)
Dhinaca
kalena, Eebbe (SoK) aadanaha waxa uu xil saaray in uu arlada si xilkasnimo leh u maamulo una cammiro, xumaha
(fasaad) ka dhowro, ku-takri-fal habboon iyo tashiilid sameeyo marka uu adeegsanayo
kheyraadkeeda dabiiciga ah. Mas’uuliyaddaasi
waxa ay ka dhex muuqataa aayaddan:
“Xus
markuu ku yidhi Eebbahaa Malaa’igta waxaan yeeli Dhulka cid u hadha,
oyna dheheen ma waxaad yeeli dhexdeeda cid fasaadisa oo ku daadisa dhiig annagoo ku nasahayna
mahaddaada darteed oo ku wayneynayna, markaasuu yidhi Anigu waxaan ogahay
waxaydaan ogayn.” (Qur’aan Al-Baqarah:
30)
Dhinaca
kale, xidhiidhka ka dhexeeya aadanaha iyo arlada waxa lagu soo ururin karaa
qodobbadan:
a)
Xidhiidh cibro-qaadasho oo
u dhaweyn kara garashada (macrifada) Eebbe (Sok).
b)
Xidhiidh looga baahanyahay
in uu kheyraadka dabiiciga ah si
joogtaysan u adeegsado, horumariyo, si uu danihiisa uga qumisto, se uu ku
lammaaneeyo tudhid iyo tashiilid, si facyowga ka dambeeyaa si la mid ah u
dheefsadaan.
c)
Xidhiidh looga baahanyahay
in uu daryeel iyo dayac-tir ula dhaqmo arlada, isla markaana ogsoonaado xaqa ay nooleyaasha kalena u
leeyihiin dheefsi la mid ah.
Noole kasta oo arlada korkeeda ku nooli waxa uu innoogu jiraa laba kaalmood oo dan u ah aadanaha: Ta hore waa mid ruuxi ah, sida aynu kor ku soo sheegnay, oo looga baahan yahay in aynu Eebbe ku garanno, rumayntiisuna innoogu korodho, iyo midda labaad oo ah mid bulsho-dhaqaale oo dheef dhow iyo mid dheerba laga heli karo.
Eebbe
(SoK) waxa uu nooleyaasha kale (dhir iyo xayawaan) ku tilmaamay in ay iyaguba
yihiin “bulshooyin innala mid ah!”
““Ma uu jiro xayawaan arlada korkeeda ku nool,
ama noole ku haada (duula) baalalshiisa, oo aan qayb ka ahayn bulshooyin
sidiinna oo kale ah” (Qur’aan: Al-Ancaam: 38)
Sidoo
kale, aayaddan hoose ayaa tilmaamaysa in aan aadamuhu keligii isku koobin kheyraadka
dabiiciga ah; sidaas awgeedna ay nafleyda kalena xaq u leeyihiin in ay noolaadaan, si la mid
ahna u dheefsadaan. Eebbe waxa uu leeyahay:
“Dhulkana
Eebbe waxa u dejiyay abuurta (kala-duwan).” (Qur’aan: Ar-Raxmaan:10)
Sidaas
daraaddeed, nooleyaashaas kale (xayawaan iyo dhiroonba), tirtiriddoodu, iyo
si-xun-u-adeegsidooduba waa xadgudub ku aaddan qorshihii rabbaaniga ahaa.
Taariikhda
Islaamka xilligii lagu magacaabi jiray “Casrigii Dahabiga ahaa) oo ahaa
ammintii u dhexaysay qarniyadii 9aad-12aad ee Miilaadiga,
waxa si fiican uga dhex muuqday sida la isu dhex geliyay arkitekjarka (handasadda
dhismaha) iyo arrimaha deegaanka. Dhaqankaasi
waxa uu aad uga hir galay magaalooyinka. Raadadka badan ee ka markhaati kacayana waxa
ay ka muuqdaan meelaha ay ka mid yihiin dhismaha Taaj Maxal, dhismeyaashii
Andalus, Shaam iyo meelo kale. Waa la
garan karaa raadaynta ay sifada Jannadu ku lahayd farsamo’abuurka dadka – taas oo
bustaaanno ay weheliyeen biyo-burqatooyin (fountains) iyo durdurro lagu
lammaanaysiiyay dhismeyaasha.
Haddaba, waa ay mudan tahay in ay innagu weynaadaan weyddiimaha ay ka mid yihiin: Halkee ayeynu maanta ka taagannahay mabaadi’da hodonka ah ee uu Islaamku u dhigay dhowrista deegaanka? Maxay se dawladaha Muslimiintu, iyo xitaa culimadooda, intooda badani, aanay mudnaan u siinin aragtida Islaamka ee Kawnka iyo tilmaamaha cadcad ee waxqabadka aadanaha u noqon kara jiheeye marka laga hadlayo arrimaha deegaanka?
Culimo Deegaanjireyaal ah
Haddii
aynu dalkeenna u soo noqonno, dhibaatooyin badan oo nololeed iyo cimilo oo inna
barriinsaday waxa ay salka ku hayaan daryeel la’aanta deegaan. Waxana ka mid dhibaatooyinkaas tan abaaraha
oo xilliba ka kasii dambeeya ay sii kordhayaan darnaantoodu iyo
soo-noqnoqodkoodu. Ilaa hadda istaraatiijiyadda
ugu mudan ee loo cararaa waa roobdoon. Waa
sidaas e, in Eebbe la baryaa waa waajib, iyada oo laga
shidaal qaadanayna sida Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnaha
Suubbanaheennana (NNKHA) ku soo aroortay, se dhinaca kalena, ka-hawl-galka
waxyaabaha ka dhasha dhaqdhaqaaqa taban ee aadanaha ee uu kula kaco deegaanka
in loo fiiro yeesho, inta awooddu tahayna wax laga qabto ayaa ah lama-huraan ah
- tusaale’ahaan, xidhiidhka ka dhexeeya
dhir-xaalufinta iyo abaaraha, iyo qaar kale oo badan.
Waxa la taagan yahay xilligii culimadeennu wacyigelinta deegaanka ay masaajidda iyo baraha waxbarasho geyn lahaayeen, iyaga oo ka shidaal qaadanaya nusuusta aadka u tirada badan ee ka hadlaya dhowrista deegaanka. Culimadu waxa ay bulshadeenna ku leeyihiin raadayn ballaadhan, markaasna maalinta aynu aragno in ay farriimaha dhowrista deegaanka ula baxaan minbarka, ayaa ah bilowga is-beddelka aynu u baahannahay.
Waxa xusid mudan in aqoonyahanno Muslimiin ahi ay bilaabeen bilowgii 80’aadkii qarnigii la soo dhaafay in ay Islaameeyaan dhaqaalaha iyaga oo ka shidaal qaadanaya nusuusta Islaamka. Bilowgii waxa loo arkayay mid aan shaqaynayn. Se maanta guulaha laga gaadhay waxa ay yihiin qaar lagu yididiiloodo isla markaana aan la iska idho tiri karin. Haddaba, sidaas si le’eg, miyaanay habboonayn in culimadeennu noqdaan firfircooneyaal deegaan.
________________________________
Raadraac
1. Qur’aanka kariimka ah iyo Tarjumadda Macnihiisa ee AFka
Soomaaliga ah, (Tarjumadda waxa dejiyay culimo Soomaaliyeed oo afar ah, oo uu
guddoominayay Sheekh Nuraddiin Cali As-Salafi).
Daabacaddii 1405 H. Saudi Arabia.
2. Dr. Maxamad Jabr Al-Alfi, Al-Bii’ah wal-Muxaafadatu
Calayhaa min-Manduur Islaami http://fiqh.islammessage.com/NewsDetails.aspx?id=4115
3. Islam and Ecology, edited by Richard C. Foltz,
Frederick M. Denny, iyo Azizan Baharuddin. 2003. Cambridge, Massachusetts
No comments:
Post a Comment