Waxa qoray
Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Geedkii Mooliga ahaa wuu galbaday, waxana
galaafatay gacan ka xaq daran. Falkaas maanta ka dhacay buurta Daalo waxa uu
muujinayaa wacyigeenna aadka u hooseeya ee la xidhiidha qaayaha noolaha kale ee
dhulka Ilaahay (SWT) innagu wada abuuray. Muuqaalka laga duubay, haddii hadda in yar oo
innaga mid ahi maanta garanayaan foolxumada farriintaasi gudbinayso, waxa uu
noqon doonaa markhaati cad oo ay
facaadda dhalan doontaa innagu canaanan doonaan duugga iyo
tayo-xumada deegaan ee aynnu uga tagaynno.
Inay goor walba innagu weynaataa badbaadada
nafta aadanuhu waa arrin mudnaantiisa leh, se marka ay joogto geed nugul, aan
wax gaboodfal ah gelin, kuna badbaaday meel tiigsiga dadka ka fog (iyada oo qof
raba inuu naftiisa halleeyaa doonto mooyee), waa arrin aad u foolxun goyntiisu. Dadka sidan yeelaya miyaanay u muuqanayn in
siyaabo kala duwan oo fara badan maanta nolosha dadkeenna lagu wiiqo oo lagu
dilo – hadday yihiin dawooyin iyo raashin dhacay, hadday tahay musuqmaasuq iyo maamulxumo, hadday tahay caddaalad darro, iwm. Intee bey innaga qabaan habdhaqannadaasi?
Maalintii ugu horraysay ee wiilkii hore isku
soo sawiray geedka isaga oo fuushan, markiiba waxa aan la hadlay Wasaaradda Deegaanka sidii meesha
xayndaab loogu xidhi lahaa oo aan qof ahaan diyaar u ahaa inaan si weyn ama si
dhammaystiran uga qayb qaato xayndaab meesha lagu xidho. Ha se yeeshee,
nasiibdarro, tan aynnu aragno ayaa maanta dhacday.
Geedkan waxa ku gedaamnaa cibroqaadashooyin iyo
casharro aan baacood la soo koobi karin oo dhinac kaa iftiiminaya dabiicadaha
dhirta, adkaysigooda iyo la-qabsigooda deegaan, is-dhiibid la’aan iyo yididiilo.
Marka laga tago in uu qurux dabiici ah lahaa, waxa uu dadka qaar nafsiyan buka
u noqon karayay tusaale ay nafahooda halis weyn kaga badbaadiyaan, oo ku sii
negaadaan inay dunta nolosha sii haystaan. Dhinaca kale waxa uu geedkani tilmaan u
noqday inta jecel dhowrista deegaanka, ayna damqayso hagardaamooyinka aynnu
sida maalinlaha ah ugu haynno sabooyinkeenna deegaan.
Hadda meeshaa uu ka maqan yahay waxay u dhigan
tahay sumad ceebeed oo in badan la xasuusan doono.
Bal ila akhri faalladan yar ee aan ku qoray
buuggayga markii aan 2009kii muuqaal kasoo qaaday:
Meeshu waa laagga Buurta Daalo ee Gobolka Sanaag oo gebigu (jarku) toos hoos ugu go’an yahay
boqollaal mitir. Xudunta araggeennuna
waa geedka Mooliga ah ee ka laalaada jarka, bal se u muuqda in uu
ku guulaystay in uu kasoo kabto dhibaatado weyn oo hallayn lahayd – taasoo ah
in uu gunta ka ruqo oo ku siibto jarka. Geedku xididdadiisii ayuu jeexjeexyada
dhagaxa ku xejistay, culayskiisii oo idilna dhexda ayuu ku xambaarsan yahay,
waxaanuu ku guulaystay in uu si is-dhiibid la’aan ah madaxa kor ula kaco si uu
ula kulmo ama u helo iftiinka cadceedda oo uu u baahanyahay si uu u noolaado
isla markaana u koro (weynaado). Muuqaalkani waxa uu tilmaan u yahay adkaysi,
sabir iyo wax-iska-caabbin. Runtiina waa Aayad uu aadamuhu wax badan ka baran
karo. Muuqaalku waxa kale oo uu inna xasuusinayaa adkaysiga dhirteenna iyo
sidoo kale duurjoogteennu u lee yihiin ka-fal-celinta dhibaatooyinka soo food
saara. Ayaan darro se, waxa ay haddana ciirsi-la’aan ka taagan yihiin
habdhaqanka xil-kasnimo-darrada ah ee dadkeenna.
Geedka Mooliga ahi waxa uu igu reebay xasus wayn sida arxandarda ah ee waxma garatdu u qafaasheen iyagoon garanyn qiimihisa.
ReplyDeleteWaan kaxumahay
Qoraaa Ahmed Awale wad kumahdsnatahy sida Qiirada leh ee aad uga hadashay.
Geedkii Mooliga ahaa ee wax magaratadu gooyeen isagoo la hardamaya dhibaatooyin geedaan.Ayadoo la jooggo qarniga casriga ah ee tiknoolajiyada oo fariimaha deegaanka iyo aqoontu baahday waa nasiibdarro weyn in ciidanka oo ahayd ujeedda loo asaasay ahayd badbaadinta dalka oo degaanku ugu horeeyo iney rujiyeen geedkan.
ReplyDeleteAlaylehe geedkaas waa lag khaldamay tayadeenana waa tibaaxnay
ReplyDeleteGeedku ma madi buu ahaa oo wuu dabar go'ayay? Geedo kale oo noociisa ah miyaanay buurta ku oolin? Marka laga tago in uu buurta bilic ku korshinayay, geedka Mooligu manfac gaar ah ma u leeyahay dadja?
ReplyDeleteAdeer bal qoraalka kale ee aan qoray ee "Maxaa geedka loo hadal hayaa?" Mahadsanid. https://ahmedawale.blogspot.com/2020/08/maxaa-geedka-loo-hadal-hayaa.html
Deleteaad baad u Mahadsantahay Sida aad uga warqabto deegaanka.arrintaan aad baan u dhibsaday Laftigayga inkastoo igu adkeed qaabka aan uga hadli lahaa maadama annan Xog buuxda ka haynin.balse marka aan arkay dadka naftooda halista galinayo hal sawir in ay u galaan balse aysan ka fakarin qatarta ay u gaysanayaan naftooda & Midda deegaanba.
ReplyDeleteGeedku manfaca uu inoo lahaa iyo masiibada kasoo socotay eed arkaysay keebaad mihiimada siisay.
ReplyDeleteNidamka dawladnimo ee aan Sanaag oo dhan soo gadhini ma kula tahay inuu geed yar oo jar kasii laalaada waardiye iyo seero uu ku badbaado mushahar iyo aduun ku bixin lahaayeen.
waxay ila tahay kol hadaanan Mooligaa ( Geedkaa) u haynin dawlad ,wasarad iyo ruux is xilqaamay sida adiga oo dadkaba tusay oo Buug ku sawiray oo daryeela, jarka halaga tuuro intuu iga galaafan lahaa wiil dhalinyara ah oo xiligii laan ka boodka ku jira.
Adeer bal qoraalkanna akhri, Mahadsanid. https://ahmedawale.blogspot.com/2020/08/maxaa-geedka-loo-hadal-hayaa.html
DeleteQuruxda deegaanka iyo habsan u fekerka dadku waa labo isleh oo aan kala hoyan karin sinaba.dhulka soomaalidu degto wuxuu u ekaaday mid omos angagan ahi waa dadkiisa oo ka aradan xaq dhawrka noolaha inagu xeeran ee iswada bila.
ReplyDeleteWaa sumad foolxumo ah oo qofkasto maanta booqda iswaydiin doono meeday halkii laga jarey geedkii mooliga ahaa.
ReplyDeleteWaa nasiib darro weyn in geedkaas la gooyo iyada oo la heli karo waddooyin kale oo geedka iyo dadkaba lagu badbaadin karo. Xilkasnimo la'aan weyn ayaa ay ku kaceen masuuliyiinta ku talisay in geedkaas la gooyo.
ReplyDelete