W/Q Axmed Ibraahin Cawaale
Maalmahan oo aan si noqnoqod ah wax uga qoray, amaba uga hadlay
geedkii Mooliga ahaa ee dhagaxa lagu dilay, weyddiinaha ka imanayay dadka qaar waxa
ka mid ahaa:
- # Muxuu waxtar leeyahay?
- # Muxuu se kaga duwan yahay kumannaanka geed sida
maalinlaha ah la gooyo?
Haddaba, marka laga hadlayo
sooyaalka dhowrista deegaanka, weyddiinta hore ee ah “Muxuu waxtar lahaa?” waxa
ay ku qotontaa aragti loo yaqaan “pragmatic
utilitarian conservation” oo ulajeeddadeedu tahay aragti “manfaci ah” oo la
jaan qaadsan “geedyahow haddaan midho kaa helo kaa goostay, haddaan kaa waayo
iskaga kaa tegy.” Weliba tegiddu
fiicnaan lahaydee, illayn waa kaa nabad gelayaa e! Aragtidan ceebteedu waxay ay tahay in
dhowristii deegaanka keliya lagu saleeyay waxa la dheefsado ama adeegsado. Waxa ay indha ka dul lalinaysaa waxtar kale,
haddii ay tahay bilic, midh dhaqan, mid bulsho, mid deegaan, iyo mid ruuxi ah.
Aragti labaad
oo la yidhaahdo “bio-centrism” ayaa odhonaysa in dabiicadda ama dhammaan
abuurta Eebbe (Swt) waa inay sidooda u jiraan iyada oo aan la eegayn waxtarkooda
iyo waxtar la’aantooda. Aragtidani waxa ay la jaanqaadsan tahay qaabka uu
Islaamku u arko dabiicadda, maxaa yeelay waxa kasta oo arlada guudkeeda ku
uumman waxa ay u jiraan xikmad Rabbaani ah. Marka la leeyahay “bio-centric”
(dhexyaalnimada noolaha) waxa dhexda la soo geliyay noolihii waxana ay
iftiiminaysaa xaqa ay abuurta kale u leeyahay inay noolaadaan. Waa halka ay
iska waafaqayaan aayadda ku jirta Qur’aanka Kariimka ee haltebinteedu sidan u dhigan tahay: ““Ma uu jiro xayawaan arlada korkeeda ku nool,
ama noole ku haada (duula) baalalshiisa, oo aan qayb ka ahayn bulshooyin
sidiinna oo kale ah”(6:38)
Dhexyaalnimada
noolaha (Bio-centrism) sida aynnu Islaamka ka baranaynno, abuur oo dhan waxa
iska leh Alle, markaasna in dadku u qaato noolaha kale iyo dhirtuba inay u
jiraan KELIYA waxtarkooda, waxa ay taasi innoo hoggaaminaysaa burbur deegaan
iyo adeegsi-xumo. Aragtidani kama hor imanayso kaalinta aadane ee uu ku suntan yahay "Khilaafah fil ard" ee hormoodnimo.
Dhinaca kale, waxtarku kolba waa sida aynu wax
u arkaynno iyo heerka ay aqoonteennu gaadhsiisan tahay.
Waa
maxay xikmadda ku jirta in warka geedkan la soo celceliyo?
Sida
aaan u arko, waxa aan rumaysanahay in warkiisu ka ballaadhan yahay geedkii
jarka laga tuuray. Hadal-hayntiisu waxa ay qayb ka noqon doontaa wacyi-gelin
deegaan oo wax yar innooga iftiimin doonta xidhiidhka aadanaha iyo abuurta kale
(siiba dhirta) in ka roon inta aynu ka ognahay.
Markeedii
hore ee aan muuqaalka geedka dahaadhkiisa saarayay buuggaygii Qaylodhaan
Deegaan, isla farriintaas ayaan u jeeday. Waana tan qayb ka mid ah faalladii
aan ka bixiyay geedkan 2010kii:
[Muuqaalku
waxa kale oo uu inna xasuusinayaa adkaysiga dhirteenna iyo sidoo kale
duurjoogteennu u lee yihiin ka-fal-celinta dhibaatooyinka soo food saara. Ayaan
darro se, waxa ay haddana ciirsi-la’aan ka taagan yihiin habdhaqanka
xil-kasnimo-darro ah ee dadkeenna…]
No comments:
Post a Comment