Wednesday, 17 April 2013

Shimbirihi Xaggee bey Qabteen? WQ: Axmed Ibraahin Cawaale


Gu’ ba ka kasii dambeeya, cirka korkeennu waxa uu ka sii madhnaanayaa shimbirihii. Xilliyo hore, waxa la arki jiray shimbiro iyo haad ciiddaas iyo camaarkaas ka badan oo koox koox cirka duullimaad ugu tamashleynaya. Waxa ay astaan u ahaayeen madax bannaani (xorriyad), war ay xambaarsan yihiin (mid togan iyo mid taban ba) iyo qurux dabiici ah. Kumannaan gu’ iyo in ka badanba, shimbiruhu waxa ay ahaayeen welina yihiin qaar kooba oo koriya male-awaalka (khayaalka) aadanaha.
Inta sooyaal lagu hayo qoraal, waxa jiray dad isku deyay in ay sida haadda u duulaan – arrinkaasi ha ahaado xiise ay u qabeen is-biimayn, ama doonitaan ay rabeen in ay ku rumeeyaan dareen madax-bannaaniyeed oo nafsi ah. U kuur galka sida ay shimbiruhu u haadaan waxa uu ku xambaaray dadka qaar in ay baalal shimbireed gacmahooda ku dhejiyaan. Ha yeeshee, isku-deyadaasi waxa ay ku gebageboobi jireen guul-darrooyin.
Dhacdo ka mid ah isku-deyadaas waxa ay ahayd sheeko khayaalkii dura (duraaye) ee ku saabsanayd odey Giriig ah iyo wiil uu dhalay. Sheekadaas oo ku gebagebowday guul-darro uu wiilki ku dhintay oo ka dhalatay iska-dhega-mariddiisii taladii aabbihii oo ahayd: “Cirka ha ku fogaanin si kulaylka cadceeddu uusan kaaga dhalaalin xabagta ama xoolo-nabadda isugu kaa haysa baalasha shimbiraha, hana ku dhowaanin maayadda (mawjadda) badda si aysan baalasha kaaga qoynin!” Ha yeeshee, murtida ku duugan sheekadan oo ahayd mid la mid ah nin yari inta uu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa”, waxa uu kor ugu fogaaday cirka, isaga oo u qaadan la’ in uu sida haadda u duulay. Ugu dambayntiina dhulka ayuu u soo dhacay.


Aragga, ag-joogga iyo cida shimbiraha kala jaad jaadka ah intaba waxa ay Soomaalida u samayn jireen ulajeeddooyin kala duwan. La’aanta aysan jirin is-afgarad coded oo dhex mari kara shimbiraha iyo dadka, ma ay noqonin mid iska hor taagta dadka in ay xidhiidh la sameeyaan shimbiraha, u sheegtaan gocashadooda, ka saadaaliyaan waxa ay ka ciillan yihiin, mararka qaarkoodna dhambaallo u dhiibtaan.
Dhambaalladaasi waxa ay noqon karayeen qaar qoran (iyada oo shimbiraha qaarkood – sida Xamaamka – la adeegsan jiray xilliyada dirirta si ay u gaadhsiiyaan farriimo cidda la rabay in la gaadhsiiyo), ama qaar uu qof ‘laab la kacay, lugo se aan haynini’ uu dareenkiisa ama boholyowgiisa dooni jiray in uu ku gudbiyo. Sheeko dhaqameedkii reer Saylac ee ku saabsanayd wiilkii iyo gabadh-dhii is-jeclaa ee badweyn iyo saansaan cimilo adagi kala dhex galeen in ay isu yimaaddaan waxa innooga dhex muuqda sida ay miciinsi u moodeen shimbiraha lalaya, jecleysteenna in ay ku haadaan sida aynnu maanta diyaaradaha ugu duulno. Bal se kol haddii aysan shimbiraha yaryari xambaari karin jidhkooda, ay ugu yaraan door bideen in ay ruuxdooda iyo dareenkooda isugu keenaan!


Inanka: “Shimbireey lalaay, ma i duulisaayeey, hoowaa,
Alla yartii aan jeclaa ma i garab dhigtaa hoo,
Inanta: “Reer Saaxil iyo Reer Suurba yimideey, hoowaa,
Alla doonyaha Bumbay ma birbaa ku jaban hoo,
Badda eegayoo, beerku i xanuunyeey, hoowaa,
Alla doonyaha Bumbay ma birbaa ku jaban hoo,
Inanka: “Anba waan jeclaa inaan soo jid-maroeey, hoowaa,
Alla jiilaashinkiiba jidka igu xayiray hoo.

Tusaale kale waxa aynnu u soo qaadan karnaa isku deygii uu darwiishkii iyo gabayaagii Ismaaciil Mire dareenkiisa kula wadaagayay shimbirka Guuguulaha la yidhaahdo, oo geed uu hadh galay isku soo dul taagay. Xilligaasi waxa uu ahaa ammin ay dhacday abaar darani (1927-1930). Waxa uu gabayaagu rabay in uu shimbirka u caqli celiyo, una sheego in abaartu aysan keligii gubaynin, bal se dad iyo duunyoba ay saamaysay. Waana tan sida uu gabaygiisii ku bilaabay:
  
Guuguuleyahow hadaad Gu'ga u ooyeysid;
Haddaad moodday keligaa inuu gubayo Jiilaalku;
Ama aad gabooyaha ku maran gama la diidayso;
Giddigood addoomaha waxa gaadhay seben weyne……

Dhulkeenna waxa ka buuxi jiray shimbiro cayn wal iyo cod walba leh: Qaar hilib cun ah oo ka qayb qaata in ay dhulka ka salabeeyaan raqaha sida Tukaha, Baqayada, Coomaaddaha, Xuunshada iyo Gorgorka (Geel-toosiyaha iyo Qoor-murux), kuwo malab ama bahal kugu hoggaamiya sida shimbirta Marista oo kale; kuwo bahal hoose kaaga diga sida Dahabo-uur-casta; kuwo araggooda dhiillo loo aqoonsado sida Guumaysta (shimbir-libaaxda) iyo Tukaha; qaar ayaan-darro loo tiiriyo sida Xuurta iyo Aboodiga – iyo kuwo murugo cidoodu xambaarsan tahay (sida fiinta oo la yidhaahdo jirka soo socda ayay ka ooydaa) iyo qaar kale oo rayn rayn kuugu baaqa sida Ugubida oo cideeda la maqlo marka cirka laga naawilaayo roob, shimbir Mayayda oo sida magaceedu sheegayo roobka arooryo lala xidhiidhiyo, Fuqow-ga oo meesha lagu arko iyaga oo koox-koox ah lala xidhiidhiyo in niradu joogto (cimilo wanaagsan) iyo Adhi-tirista oo lala xidhiidhiyo barwaaqada. Waxa intaas dheeraa qaar kale oo aan halkan lagu soo koobi karin, ayse ka mid yihiin Ciyow-ga oo cidiisa laga saadaaliyo geeddi iyo Xidinxiitada oo lagu xasuusto go’aan adkaan.


Haddaba xaggee bey tageen shimbirihii?


Eray celintu waxa ay tahay: Badankoodu dal shisheeye uma ay doolin e waxa ay ku lee’deen alhuumo (aafo) ka dhalatay sumo kala duwan oo loo adeegsado in dulinka iyo cayayaanka lagaga laayo xoolaha iyo beeraha. 
Dhibaatadan xooggeedu waxa ay la soo bilaabantay adeegsiga Dhibta ama Dhibaynta xoolaha. Godad sibidhaysan ama weel bir ka samaysan ayaa biyo lagu shubaa, waxana lagu daraa sun, ka dhibna adhiga ayaa la muquuriyo ama la dhex geliyaa si dulinka looga laayo. Ha yeeshee marka hawshaas lagu fushado, waxa dhacda in biyihii sumaysnaa goobtii lagaga tago. Halkaasna ay shimbirihii harraaddanaa ka cabbaan oo ku dhintaan ama suntu saamayn ku yeelato tarantooda oo aysan wax tafiir ahi ka hadhin. Sidoo kale, marka xooala-dhaqatadu doonaan in ay sumeeyaan habar dugaag aadu (dilaa) ah, waxa ay, si la mid ah, sunta u dhex geliyaan neef xoolaad oo baqtiyay. Halkaasna waxa ku dhinta nooleyaal kale oo aan waxba galabsan sida haadda oo kale. 
Dhanka kale, sumaha cayayaanka beeraha ayaa iyaguna saamayn taban ku leh shimbiraha. Xitaa haddii aysan markiiba ku dhimanin, waxa ay sumahaasi ku biiraan jidhkooda, waxana ay sidoo kale saameeyaan tarantooda.
Haa! Shimbirihii gabaabsi ayay ku sii noqonayaan cirka. Maye shimbirihii iyo haaddii koox kooxda u duuli jirtay ee tira-badnaantooda iyo cufnaantooda mararka qaarkood laga yaabi jiray in ay hawada isku jiidhaan – aaney se dhicin jirin! Maqalka cida shimbiraha ee hareeraheenna ku sii yaraanaysaa waxa ay i xasuusinaysaa buuggii ay qortay Rachel Carson ee “Silent Spring” ama “Gu’gii bilaa Jabaqda ahaa” ee bulsha-weynta reer Galbeedka ku baraarujisay halista sumaha beeraha (siiba DDT-da) iyo dikhowgu u leeyihiin shimbiraha. Alleylehe waa ay isla jaan qaadsan yihiin magaca buugga iyo jabaqda/cida shimbiraha ee sii yaraanaysa – siiba xilliyada gu’ga ee noole kastaaba muujin jiray firfircooni ka badan xilliyada kale.
Beryahan dambe, waxa la arki karaa neef bakhti ah oo aan lagu dul arkaynin jaad keliya oo ka mid ah haaddii hilib cunka ahayd! Dhaqanka Soomaalida haddii aynnu u laabanno, haadka dhacayaa (meel ku degaya) waxa uu ahaa mid ay Soomaalidu ku tilmaansadaan baadida. Haddii ay ‘raq iyo ruux’ midkood raadinayaan, meesha uu haadku ku dhacayaa waxa uu qofka baadi doonka ah ee lugta iyo laabta ka daallan u ahaa tibaax uu ku go’aan qaato – in uu ka samro iyo in uu sii wato baadi goobka.
Wax badan beynnu ku waayaynaa dabago’a shimbiraha iyo haadda. Marka laga tago kala go’ ku yimaadda meertada nolosha iyo kaalinta mudan ee ay kaga jiraan, waxa sidoo kale la waayi doonaa aqoontii ab’ogaaga ahayd ee ku lammaanayd shimbiraha.

Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

No comments:

Post a Comment