W/Q
Axmed Ibraahin Cawaale
Laga bilaabo curashada bisha
Rabadaan, waxa aad arki kartaa carruur, dhallinyaro, rag iyo dumar waaweyn oo
suuqyada wareegaya oo raadinaya qalabka lagu ciyaaro LAADHUU-da.
Arooryo ay bishu tahay Rabadaan, xilligii eedaankii, aniga oo masaajid ku lugaynaya ayaan ku soo baxay rag waaweyn oo ciyaaraya Laadhuu (waaguna ugu beryay), oo waa yaabka yaabkiise, sidii uun u dul fadhiyay xitaa markii aan shaqada aadayay. Gelin dambe iyo arooryo sidaas baa guryaha iyo meheradaha qaarkood loogu ciyaarayaa. Rag iyo dumarba waa laga siman yahay.
Marka laga tago in ay ciyaartu tahay “lahwi” iyo waxa aan la soo dhoweysanin siiba bisha Rabadaan, waxa intaas u dheer in ay tahay ciyaar u taagan ‘Waqti-lumis’ uun. Waana ay ka geddisan tahay Shaxda iyo Jeesta oo u baahan maan-kaashi (fikir), tabayn (xeeladayn), weerar iyo weerar celin uu qofka ciyaaraya falkiisu saamayn ku yeelan karo guusheeda ama guul-darradeeda. Ha yeeshee LAADHUU-du, waa ciyaar aan u baahnayn maan-kaashi iyo tab oo uu qofku caynaanka u hayn karo. Waxa ay ku xidhan tahay uun laftaas lixda dhinac leh ee tirisga ku qorani yahay 1 ilaa 6. Waa ciyaar ku dhisan ‘bakhti-yaa-nasiib’. Rux oo wixii kaaga soo dhacay uun baad leedahay!
Waxa haddaba is weydiin mudan, kol haddii ay ciyaartani tahay maararrow ama ‘waqti-lumis’, maxay dadkani ugu maararoobi waayeen fal uu ugu jiro iyaga abaal marin adduunyo iyo mid Aakhiroba. Booqasho uu qofka soo booqdo saaxiib ama qof gacal ah waa fal suubban oo leh abaal marintiisa. Wardi, Qur’aan akhris iyo cibaadooyinka kale oo la xoojiyo waa falal iyana kaba sii wanaagsan. Aqoon korodhsi iyo akhris buug fiican oo aad u weyday ammin kale oo kaga habboon bisha Rabadaan ayaa iyana ah mid la mahadin karo.
Si kale haddii aan u dhigo, saacadaha ay dadku dul yuururaan Laadhuuda iyo wixii la hal maala waxa ay u dhigan yihiin waqti si ula kac ah loo lumiyay oo nafta, bulshada, dalka iyo bulshoweynta adduunyada wax loogu qaban lahaa.
Mid kasta oo innaga mid ahi waxa uu arlada kaga tegayaa RAAD – in kasta oo ay kala muuqan og yihiin, raadayntooduna kala saamayn duwan yihiin. Haddaba waa arrin dhugasho iyo ka-fiirsigeeda leh in qofku is-weydiiyo waxa uu waqtigiisa gelinayaa.

No comments:
Post a Comment