Waxa qoray: Axmed Ibraahin Cawaale
Siddeeddii Jeenaweri
1993, Hargeysa gudaheeda, shan dumar ah ayaa dhagax lagu dilay. Dembiga
la gu soo oogayna waxa uu ahaa in ay jidhkooda ka ganacsanayeen. Waxa la
saaray “maxkamad” Islaami ah. Waxa kale oo jirtay in dawladdii xilligaas
jirtay suurtogal u noqon weyday in ay wax ka qabato. Xilli adag oo ku suntan dawlad aan cago adag
ku taagnayn buu ahaa – taas oo ka dhalatay Jabahaddii Xoraynta
Soomaaliyeed (SNM) oo si qorshe-la’aan ah Hargeysa ku soo
gashay. Dadku aad buu u qaybsanaa, waxana jiray hoggaamiye kooxeedyo iyo
dayday (mooryaan) aad u doobyaya. Waxa kale oo hawada ka soo urayay saansaan dagaallo sokeeyo oo soo food lahaa. Waxa aan xasuusanahay in ay goobtu
ahayd BEERTA XORRIYADDA. Shan god oo yaryar oo goobtaas laga qoday, dherer ahaan 1.20 mitir, ayaa
mid mid dumarkii qaarka dambe loogu riday, kaddiba lagu dhagax
dilay. Qof-ahaan ma aanan tegin goobta, filin laga duubayna oo la igu
marti qaaday in aan daawado waa aan ka gaabsaday. Maxaa yeelay, waxa aan
is idhi indhaha siin kari maysid. Waa run oo intii aan reer lahaa weli qoyskayaga neef Alle-bari ah gacantayda ugumaan gowracin. Geddayda (dabcigayga)
ayaa sidaas iska ah.
Doorashada goobta dilka
oo ahayd Beerta Xorriyadda, waxaaba aad moodaysay in farriin lagu dhex
gudbinayay – taas oo ah “in xorriyaddu seero leedahay; ciddii
falkaas oo kalena ku kacda loogu quus goynayo”.
Waa jirtay in arrinkan
hay’ado shisheeye wax ka qoreen, se ilaa hadda maan arag cid gudaheenna
ah oo wax ka qortay – marka laga tago warkii ku soo baxay wargeysyadii
xilligaas la soo saari jiray. Dadkii goob joogga ah - carruur iyo
cirroleba – qaar badan baa nool. Se waxa cad in uu u eg yahay qodob lama
taabtaan ah oo inta ka hadashaana hoos
ugu sheekaysato, aan se weyddiin dambe la iska sii weyddiin.
Maalintii ku saddexda
ahayd dilka ayaan booqday meeshii. Godadkii oo dhagxaan ku hareero filqan
yihiin ayaan dhex marmaray. Waxana i hor yimid saansaanka xilligii dilka oo u
dhigan masraxiyad murugo leh ay jilayaan fuliyeyaal, daawadeyaal iyo lagu-fuliyeyaal. Markii
aan kasoo baxay goobtii, waxa indhahayga soo jiitay deyrkii Beerta Xorriyadda
oo maalmo ka hor ka saxar la’aa faygar carruureed, se dhacdada kaddib ay
carruur iyo dhallinyaro ku muujiyeen dareenkooda ku aaddan nafihii hortooda lagu dhagax dilay, iyaga oo adeegsaday dhuxul ay ku xarxarriiqaan gidaarrada. Farriimahaasi waxa ay cabbirayeen hiif ay u hayeen wadaadkii dhacdada abaabulay, fulinteedana lahaa oo la odhan jiray Shiikh Daahir. Waxa aan is
idhi waa qaab ay isu muujinayeen kuwii aamusnaa. Qofka xeel dheeri ku haysta cilmiga bulshada
iyo sykoolajigana wax weyn ayaa uga bixi lahaa faygarkaas.
Dhacdadan iyo qaar kale
oo door-roonaantooda leh oo dalka ka dhacay, ha ahaadaan qaar magac diineed huwan
ama qaar keleba, waa ay fiicnaan lahayd in wax laga qoro: Tan
oo kale, haddii ay ahaan lahayd musdambeedkii dumarkii oo aan laga eegin uu
dhinaca taban, se noloshoodii dhaqandhaqaale iyo guud-ahaan saansaankii ka
jiray dalka. Waxa kale oo la is-weyddiin karaa maxaa is-beddello ah ee ka
dhashay arrinkaas, oo uu ka mid yahay in ka-ganacsigii jidhka ee furnaa, isla
markaana lahaa meelo loogu hagaago, ilaa waagii gumaysigana qayb magaalada ka
mid ah loogu magac daray, in uu hoos u
daaddego ama qarsoodi noqdo, aanse la odhon karin waa tirtirmay.
Goobtii maanta waa
fagaare lagu kulmo – siiba dadka faxaasiga iyo jimicsiga xiiseeya. Waxa aad ku
arkaysaa dhallinyaro gocoso (kubbad) ku ciyaaraysa, iyo dhallinyaro
cuslaatay (waayeel) galabtii iyo arooryada hore lugeeya gudaha deyrka, intooda
badanina aanay kaba war haynin dhacdadaas.
No comments:
Post a Comment