Saturday, 26 March 2016

Aayad iyo Raadaynteeda

W/Q: Axmed Ibraahin  Cawaale

Mid ka mid ah aayadaha iigu raadaynta badan ee ku guda jira Qur’aanka Kariimka ah ayey haltebinteeda Afsoomaaliga ahi tahay sidan  “Waxana aad tidhaahdaa: Ku howl gala (wanaag), Eebbena waa arki doonaa wax-qabadkiinna, iyo Argeygiisu….”. (Al-Towba: 105).   Waxa aan ogaaday in waano iyo wax-sheeg badan  ay ka raadayn  badan tahay.  Waxa i yaab geliyay koobnideeda iyo  haddana sida ay u taaban karto falaadaha (waxqabadka) aadamaha ee saamaynta ku yeelan kara noloshiisa – if iyo aakhiroba.  Saaxiibbadayda qaar oo mararka qaar i odhon jiray "sida khawaajaha ayaad u shaqaysaa", waxa aan ugu erey celin jiray keliya in aan aayaddaas  ka shidaal qaato.  
  
Gu’gii 1991kii ayaan xero qaxooti ku taal bariga Itoobiya kasoo laabtay, soona galay Hargeysa.  Urur samafal oo dhallinyaro culimo ahi ka dhiseen dhulkii dadku u baro kaceen ayaan xubin ka ahaa. Dib-u-habayn lagu samayeey markii aanu Hargeysa ku soo laabannay ayaa la iigu magacaabay in aan agaasime ka noqdo.  Dhaqaale howlaha ururka lagu qabto lama haynin, marka laga tago waxoogaa ay iska soo ururin jireen dhallin qurbajoog ahayd.  Hantida ugu badan ee ee ururku lahaa waxa uu ahaa is-diridda xubnaha – taas oo ay aqoontooda iyo xooggooga wax ka bixin jireen.   Waxana ay xarumo aqooneed oo lacag la’aan ah ka dhiseen oo ku baahsheen dhul badan.   Wixii ay qabtaanba Eebbe (sarree oo korreeye) waa barakeeyay, maxaa wacay, waxa aan is idhi waxa ku dhex tidcanaa hor-Alle-u-jeednimo, is-dirid iyo badhax la’aan. 
Waxa aannu door u helnay in aan xafiis ka dhiganno dhismaha Rugtii Kutubta ee Masaarida – halkaas oo halbowle u ahayd dhaqdhaqaaqa samafal ee uu ururkii waddaniga ahaa ee Hay’adda Samafalka Islamka.  Marka laga tago waxqabadyadii samafal ee ay ka mid ahaayeen abaabulidda dugsiyada waxbarasho, taakuleynta dadka jilicsan iyo agoomaha, waxa aannu halkaas ka aasaasnay maktabaddii ugu horraysay ee dalka dib looga unko – taas oo aannu iska kaashannay hay’adda Africa Educational Trust, ilaa maantana ka dhex shaqaysa xafiiska hay’addaas.
Aniga (xagga hore fadhiya) iyo qaar ka mid ah howlwadeennadii ila shaqayn jiray 1993 (bidix ka bilow: Sh. Maxamed Macalllin Cabdi (Carab), Xasan Aw Cali Axmed, Axmed Aar (AHUN) iyo Axmed Jibril Xirsi.
Aan u noqdo aayaddan sare ee aan ku bilaabmay qoraalkayga e,  waxa jiri jirtay in ay si farshaxannimo leh ugu qornaan jirtay irridda dhismaha xafiiska noo ahaa, horena ugu dhegsanaan jirtay ilaa 1960eeyadii – markii ay Masaaridu qunsuliyad ahaan iyo xarun dhaqan uga dhisteen.

Siddeed gu’ oo xaruntaasi xafiis noo ahaan jirtay, waxa si joogto ah indhahayga ugu dhici jirtay aayaddaas oo far waaweyn lagu qoray.  Waxana ay ii noqotay in ay iigu fillaato waxsheeg badan.  Waa iiga geddisnayd farriintii diktaytarkii ku xusnaa buuggii magaciisu ahaa “Ninteen Eighty-Four” ee uu qoray George Orwell, taas oo keli-talisnimada ku dhex xusani gaadhay heer qofka kasta cod-baahiye qolka dhexdiisa ah lagu hago oo tilmaamo laga siiyo, maalin kastana loo gudbiyo farriin gooddi xambaarsan oo sidan u dhigan  (Remember, Big Brother is watching you!) “Ogsoonowoo is jir, Walaalkaagii Weynaa isha ayuu kugu hayaa e!”    Ka geddisan e, farriinta Eebbe waxa ay ka socotay mid aan u darnayn addoomihiisa, xumaan la maagganayn, naxariis iyo waqaqo badan,  wehel la bido, xaggiisana loo irkado.

Haddaba meesha aynu ka liidanaa waa iyada oo wax-sheeggii iyo waanadii oo badatay, heer la odhon karo waxa uu gaadhay xaalad “rib ah” (saturated), aanay se la jaan qaadsanayn wanaaggii la rabay.  Waxa jira farriimuhu ama waxsheeggu marka uu soo noqnoqdo, heer ay dad badani gaadhaan in ay naftooda ku yidhaahdaan “waan maqli jiray”, oo  waxsheeggaasi dul-yaac noqdo. Goor ay aqoonta diineed ka baahsan tahay lama arag intii sooyaalka Soomaalidu soo jiray. Waxana uu qodobkani maskaxda ka dhex carin karaa weyddiimo ay ka mid yihiin:

Ma loo baahan yahay in qaabka waxbarasho, wacdi iyo wax-sheegga diineed dib-u-eegis lagu sameeyo? Bulshooyinka lagu tilmaamo in ay horumareen waxa ay xoogga saaraan manhajyada waxbarasho iyo barbaarineed, waxana ay isla markaa ka hilaadin karaan horumarka iyo wax-soo-saarka ay ka fili karaan bulshadaas.   Maxaa se diidaya in lagu xoojiyo  ama la soo ergaysto hab-dhaqannada fayow ee ku dayashada mudan, diintana aan ka hor imanayn,  ee bulshooyinka caalamka  ee kala dhaqannada iyo diinaha duwan  ka jira?

No comments:

Post a Comment