W/q: Axmed Ibraahin Cawaale
Xilligii
maamulkii Ingiriiska ee Maxmiyaddii Somaliland, waxa jiray qaabab war ama xog is-gaadhsiineed oo uu bulshada
kula xidhiidhi jiray.
Cuqaasha oo
la gunnayn jiray ayaa howlo badan fududayn jirtay. Si ka geddisan sida dad
badani rumaysan yihiinna, howl-gelinta nabaddoonnada (cuqaashana) waxa bilaabay
Masaaridii/Turkigii ammintii yarayd dhulkeenna ku negayd. Taas waxa aan ula jeedaa in Ingiriisku raacay uun habdhaqankii ay Masaaridii/Turkigi jideeyeen ama kaga tageen dhulkeena.
Kol haddii ay
bulshadu ahayd mid aan wax qorin waxna akhriyin (ma hubo in uu magac gaar ah Afsoomaaliga ku lahaa, se waan soo gaadhay carruurnimadaydii), mid ka mid ah siyaabaha loola xidhiidho dadka ama farriin lagu gaadhsiin
jiray waxa ay ahayd adeegsiga wax la odhon jiray “Jaliilad”. Waxana ay u dhignayd waxa maanta
Afingiriisiga loogu yeedho “Summon” ama “Yeedhmo Maxkamadeed”. Waxa ay u dhignayd dhagax siman oo fallaadh
lagu dul aslay. Waxana loo dhiibi jiray
askari ama caaqil ka soo jeeda reerka qofka la doonayo. Qofka loo sidaa inta uu doono duurka ha ku
jiro, ama ha dhuumaaleysto e, waxa uu ogsoonaa in haddii uu hoggaansami waayo in
mar uun uu shaciga gacanta u soo geli doono.
Sidaas daraaddeed, toos ayuu u soo dhaqaaqi jiray oo awoodda sharci u hor iman jiray.
Dhinaca kale,
mid ka mid ah siyaabaha dadka la isugu yeedho, si loo war geliyo, waxa la
adeegsan jiray dawan (jeres) qori ka samaysan (ma hayo magaciisii Afsoomaaliga
ahaa, se waan soo gaadhay yaraantaydii), oo lahaa gacan-qabsi iyo abxad ay ku
gudo jiraan qoryo is-weydaaranaya oo si yaab leh isugu dhacaya, halkaasna ay ka
samaysmayso jabaq dhowdhow ah oo aad u dheer, una eeg dhawaaq googo’an sida raha ama diin-ceelaadka. Marka gacanta lage wareejiyo ayuu dhawaaqaas
samayn jiray.
Woodhaq ku taal badhtamaha maaalada Burco, iyo dawan qori ka samaysan |
Qaab kale oo
dadka lagula xidhiidhi ama loo war geliyo ayaa ahaa in magaalooyinka waaweyn dhismeyaal
dhowr ah, oo qaab ujeeddaysan loo dhisay, korka lagaga samayn jiray
cod-baahiye. Taar war-is-gaadhsiineedna
lagu xidhiidhin jiray “Boosta” ama xarunta war-is-gaadhsiita. Halkaasna kolba wixii ogaysiis ah dadka
lagala socodsiin jiray. Soomaalidu waxa
ay u bixiyeen “Wadhac Wadhac” ama “Woodhaq”.
Magac-bixintaasna waxa ka muuqata danayn la’aan, waxana laga yaabaa in
ay tilmaan u tahay habdhaqankii uu Ingiriiska ama soo galowtiga kale ku barteen Soomaalida, ayna ku dad aan hoggaansamin, isla hagaagsan, isla markaana qab weynaan
huwan. {Mana ay ka been sheegin maahmaahda: Qof walba kitaab qummane la
yidhaahdo, ayaa qoorta loo sudhay}.
Dhismeyaashii
jaadkan oo kale ahaa badidoodu waa sii tirtirmayaan. Ilaa haddana ma jirto cid
ku baraarugsan qaayahooda taariikheed, si la mid ah wadeecada ay ku sugan
yihiin raadad iyo dhismeyaal kaleba. Waxa aan se filayaa weli in Berbera ay ka
jiraan laba (2); halka uu Burcona ka jiro midkan aan muuqaalkiisa halkan soo
geliyay.
No comments:
Post a Comment