W/Q:
Axmed Ibraahin Cawaale
Xilli hore oo xilliyada ka mid ah, lagana laga joogo
dhowr qarni, qaab gaar ah oo ay
boqorrada Abasiiniya (Xabasha) isu daba
cidhbin jireen, ama maamulka isaga daba dhaxli jireen ayaa habkan soo socda loo mari
jiray:
Iyada oo ay jiri jirtay magacaabidda cidda dhaxal-sugaha ahi, ayaa
haddana waxa dhici jirtay marka boqor dhinto, ee uu dhaxal-sugihi kursiga ku
fadhiisto, in uu soo ururin jiray walaalladii iyo xigaalkiis intooda
madaxyo-weynta ah. Waxana loo taxaabi
jiray “Xabsiga Boqor-sugeyaasha” - goobtaas oo ahayd meel 120 kiilomitir bari
kaga qumman magaalada Gondor, oo ahayd caasimaddii Boqortooyada. Buuro ay adag tahay si loo koro, oo badiba
lagu fanan jiray jaranjarooyin kor u qotoma oo sallax siiban laga xorday, ama
mararka qaarkood xadhko lagu kori jiray, ayaa lagu xerayn jiray,laguna hayn jiray. Halkaas ayaa lagu ilaalin jiray inta ay ama
kaalini uga bannaanayso maamulka ama hoggaaminta
boqortooyada, ama ay ka dhimanayaan! Se
xadhiggaasi ma ahayn mid run-ahaantii lagu sheegi karo xabsi. Waxa se uu u dhignaa waxa beryahan dambe loo
yaqaan “xadhig ama xabsi guri.” Baahiyahoodana si hagar la'aan ah ayaa loo dabooli jiray.
Dhinaca kale, kol haddii ay goobtu ahayd meel
dhowrsoon oo aan si howl yaraan ah lagu geli karin, waxa sidoo kale goobtaas ama
goobahaas (maxaa yeelay waxa ay ahaayeen 3 meelood oo isu dhow oo la kala
yidhaahdo: Buurta Wehni, Burta Amba Geshan, iyo Buurta Debre Damo) loo
adeegsan jiray in ay ahaadaa Khasnaddii Boqortooyada; waxana la sheegaa,
xilligii Axmed Guray dagaalka kula jiray Xabashida in uu ku kacay saddex (3)
isku-dey si uu u jabsado, waxana ay kala
ahaayeen gu’yaashii 1531, 1533, iyo 1540kii oo uu tan dambe ku guulaystay in uu
furto.
Qodobkan is-daba-cidhbinta boqorrada ee ka
jiray dhulka Xabashida waxa aynnu barbar dhigi doonnaa mid la ula jeeddo ah oo
ka jirtay Imbaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta.
Qarniyadii 14aad ilaa 16aad, waxa ay Cusmaaniyiintu ku dhaqmi jireen
qaab loogu yeedho ‘is-daba-cidhbinta furan’ (open succession), taas oo ku salaysanayd, tusaale-ahaan, in Imbaraadoorka
kolba xukunka hayaa uusan (aanuu) wax tibaax ah ka bixin jirin cidda kursiga
uga dambayn doonta, se arrinku ahaa ‘kii
roonoow, reeka u hadh’. Haddaba in Imbaraadoorku wiil uu dhalay madax uga dhigo gobol aan ka fogayn fadhiga Imbaraadooriyadda,
waxa ay dadku u qaadan jireen in uu Suldaanku door bidayo wiilkaas. Dhowaanshaha uu magaalo-madaxda ku dhow
yahayna waxa ay u ahayd fursad uu warka, saansaanka caafimaad ee Imbaraadoorka,
iyo waxyaabaha ka dhex socda xarunta Suldaanka uu sida ugu dhaqsaha badan u
ogaan karo. Haddaba, marka uu mid ka mid ah
wiilashiisu xukunka gacanta ku dhigo, waxa uu xasuuq kula kici jiray
walaalladiisa. Waxa la sheegaa laynta walaaluhu in uu ka soo jeedo sharci uu jideeyay Suldaan Maxamed oo loogu yeedhi jiray Maxamad Al-Faatix. Waxa se yaab lahayd in
sidaas ay kula socdeen inta badan culimadii xilliyadaas ka ag dhoweyd Salaadiintiinta. Sidaas waxa ay u door bideen ka-feejignaanta
‘fidnada’ iyo hubinta isku heynta Imbaraadooriyadda. Waxana loo arkayay in danta
“maslaxadda” ummaddu sidaas ku jirtay, si
“fidno” dhici karta loo baajiyo. Sidoo kale, mar Alle marka la arko in Suldaanka
ay la soo deristay saansaan caafimaad darro ama itaal darro xooggani, waxa
bilaabmi jiray loollan awoodeed oo ka dhexeeya walaalaha – haddii ay isku bah
yihin, iyo haddii ay kala baho yihiinba. Marka meel la iska dhigo Suldaanka, cidda kale
ee saamaynta ugu ballaadhan ku lahayd arrimaha siyaasadeed iyo awoodda
dawladeed waxa ay ahayd hooyada Suldaanka (Valide
Sultan) iyo dumarka ku dhowdhow
Suldaanka. Xilliyada qaarkooda,
awooddoodii ayaaba hadhayn jirtay tiisa, halisna ku noqon jirtay
hoggaamintiisii, mararka qaarkoodna wiiiqitaan ku keeni jirtay Imbaraadooriyadda. Hab-dhaqankaas ayaana loo tiiriyaa degganaanshihii, horuamrkii xilligaas, iyo kobocii dhaqaale ee dawladdii Cusmaaniyiinta. Waxana uu sidoo kale noqday mid ka badbaadiyay dagaallo sokeeye iyo kala-dhambalan ku yimaadda dhulkalkii ay xukumayeen.
Si kastaba arrimuhu ha ahaadaan e, is-barbar-dhigga
labadan tusaale, ugu horrayn waxa laga dhex dheehan karaan in ay ka midaysan yihiin in midnimada Imbaraadooriyadahoodu ahayd arrin
lama taabtaan ah, markaasna cid Allaaliyo ciddii loo arki karo in
joogitaankoodu halis iyo qalalaase ku
keeni karo qaabka ay wax u socdaan, la
sii hor degi jiray, lana samayn jiray ka-hor-tag. Waxa se ay labada Imbaraadooriyadood ku kala
duwanaayeen qaabka ay u maarayn jireen halisahaas. Qolo waxa ay meel dhigatay in ay birta ka
asasho (layso) Amiirradaas; halka qolada kale, oo aynnu u jeedno Xabashidu si
doobir leh, naxariisina ku dheehan tahay ula dhaqmi jireen Amiirradoodii, iyaga
oo weliba ay u laaban tahay door ay kaga qayb qaadan karaan hannaanka maamul ee
Boqortooyada iyo dalkaba.
Haddaba Afrika in badan ayaa aragtiyo taban laga soo tebin jiray e, miyaan habdhaqankaasi u ekayn dhimbiil
ilbaxnimo!
Raadraac:
2. Ekrem Bukra Ekinci, The
History of Fratricide in the Ottoman Empire – Part 1; Feature article on
Dailay Sabah (August 6, 2015), Istanbul.
3. Richard Greenfield, Ethiopia: A New Political History, Pall Mall Press, London (1965)
No comments:
Post a Comment