W/Q: Axmed Ibraahin Cawaaale
Meeshu
waa Cadaadley, oo ka mid ah magaalooyinka hadda nool ee ka jira Soomaalilaan kuwa
ugu faca weyn – marka laga reebo magaalo-xeebeedyada. Xilliguna waa
bilowgii 1960aadkii. Waxa ay leedahay cimilo san, biyo joogto
ah iyo deegaan qurxoon oo dhiraysan. Sidoo kale, waxa ay ahayd mid ka mid
ah xarumihii laga abaabuli jiray dagaalkii Ingiriis ee ka dhan ahaa Daraawiishta
Ina-Cabdullle Xasan (AHUN). Waxana ay ammin kooban saldhig u ahayd Sir Geoffrey Francis Archer (oo ay
Soomaalidu u tiqiinnay Caarshe-dheere), ninkaas oo dhowr xil ka soo qabtay
maamulkii Ingiriis ee Soomalilaan, ahaana ugu dambayntii sarkaalkii soo
jeediyay in duqayn dhinaca cirka ah loo adeegsado jebinta xoogaggii
Daraawiishta. Ilaa maantana waxa magaalada Cadaadlay ku yaalla geed gob
ah oo magaca “Caarshe” sita, oo ah goobtii uu degganaan jiray.
Magaaladu
wax ka jiray xero millateri, dugsi hoose iyo mid dhexe, shooki (rug booliis) iyo bar
caafimaad. Dooxyada magaalada oo biyahoodu dhow yihiin awgeed, waxa ay
magaaladu xoolo dhaqatada u ahayd meel ay u soo ceel-fadhiistaan xilliga jiilaalka,
waxa la arki jiray boqollaal kadin geel ah oo u soo arooraya dooxa Siig ee ku
yaal agagaarka Cadaadlay. Magaaladu xilligaas oo kale waxa ay la
ceeryoonsanaan jirtay xoola-dhaqato. Qodob kale oo xiise lehina waxa uu
ahaa in tirada islaamaha (habraha) ah ee tuulada ku nooli aad u badnaayeen,
jeer oo la odhon jiray “Cadaadlay waxa loogu duceeyay hadh iyo habar!”
Islaamuhu marka ay reerahooda ka hadhaan, ciddooda qaarkood waxa ay door
bidi jireen in ay tuulo dejiyaan, si ay ugu qaataan inta noloshooda ka
hadhay.
Laba
masaajid ayaa ku yaallay oo mid kastaaba dooxa magaalada u jiray wax aan ka
badnayn toban tallaabo; dhir waaweyn oo gob ah ayaa hadhayn jiray, inta badanna
dad waaweel ah ayaa ku cibaadaysan
jireen. Foostooyin bir ah oo giraamo leh ayaa biyaha weysada loogu shubi jiray;
quraarado qaro weyn oo midabkoodu u eeg yahay macdanta imaroolka (ama cagaar
madow xiga) ayaa weel ahaan weysada loo adeegsan jiray. Qaar ka mid ah
wadaaddada magaalada ayaa caweyska Arbaca kasta tuulada badhtankeeda ka
soo dhex unki jiray Shallaad iyaga oo tiriig Mijir-koos[1]ah,
faynuus ama bitijoor[2] (toosh)
sita. Waxa kale oo ka dhex muuqan jiray aabbahay (AHUN). Waxa faynuuska u
sidi jiray Cabdi-garanuug oo ahaa nin suufi ah, magaaladana hudheel cunto ku
haysan jiray. Sidaas ayay dad door ahi ku soo raaci jireen, socodkooda oo ay
weheliso jiibtaas ruuxaaniga ahina waxa uu ku soo gebageboon jiray mid ka mid
ah labadaas masajid. Halkaas oo dikri iyo xadro laga oogi jiray salaadda
cishaai’ ka dib. Culimadii xadrada aad ugu jibboon jirtay waxa ka
mid ahaa (Alle giddood ha u naxariisto e) Aw Xasan Shaqalle, Aw Iimaan Sh. Muxumed-Daahir,
Aw Maxamuud Aw Cilmi iyo qaar kale. Akriska Mawliidkana habeennada Jimcaha ayaa la
joogtayn jiray.
Magaalamadaxyada
goballadii dalka sida Hargeysa, Berbera, Burco iyo kuwa kale, waxa xilligaas ka
jiri jiray goobo bulshadu ku kulmi jirtay, xogahana ku kala qaadan jireen,
waxana la odhon jiray sibil-santar (Civic Centre), Cadaadley se, waxa jirtay
makhaayad uu lahaan jiray wadaad la odhon jiray Aw Xasan Shaqalle (AHUN) oo ugu
jirtay kaalintaas. Waxana maamulkii degmadaasi u dhiibeen reedhyoow weyn
oo jaadka loo yaqaan Phillips. Maalin kastana goorsheegtu marka ay
gaadho shanta-iyo-badhka (5:30) galabnimo, waxa la arki jiray goobtaas oo dadku
isa soo dhoobaan si ay barnaamajka maalinlaha ah ee BBC-da u dhegaystaan, isla
markaana ugu buuxsadaan saacadahoodii gacanta ee ahaa Wistanka (Westend)
ama kuwii jeebka la gashan jiray – iyaga oo ku beegi jiray dawanka
saacadda Big Pen ee dhismaha Westminister Abbey ku
taal ee caasimadda Landhan. Kol haddii aaney tuuladu lahayn mishiin
dabdhaliye ah, baytariga weyn ee reedhyowga lagu dabeeyo ayaa saddexdii biloodba
hal mar Hargeysa loo qaadi jiray si loo soo jaajgareeyo.
Raadyowgii Phillips-ka ahaa iyo goor-sheegtadii Wistan (Westend) ee la adeegsan jiray 1960aadkii
Degmada
waxa Dhiisii (D.C.) ama guddoomiye ka ahaan jiray Xaaji Aadan Aw Cilmi Qabile,
oo aabbe u ahaa Yusuf X. Aadan, labadoodaba Eebbe ha u naxariisto e. Ilaalada/askarta shookiga ka howl gashaana ma
ay oggolaan jirin in magaalada lala dhex maro hub. Waxana la arki jiray iyago oo kolba dadka
(siiba xoolodhaqatada) ka ururiya budhadhka, toorrayda iyo warmaha.
Goobaha kale ee ugu caansan Cadaadlay waxa ka mid ahaa
dugsigii lagu baran jiray Qur’aanka Kariimka oo alifka la iigu bilaabay, waxana
lahaa wadaad la odhon jiray Aw Maxamed Suufi (AHUN). Waxa ay ahayd geed gob ah
hoostii, oodna lagu soo wareejiyay. Waxana aanu wax ku baran jirnay
loox-Qur’aan. Marka aannu subcinaynona waxa dhawaaqayaga laga maqli jiray magaalada
dacalkeeda kale. Dhammaantayona wiilal
baannu ahayn. Khadka ayaa dhabanka la noo marin jiray, waxana dadku noogu
yeedhi jireen “qalinqoyan”. Murwaad (ixtiraam) badanna dadku waa noo
hayn jireen.
Maalmaha ka tilmaan maalmaha kale ee ilme kastaaba xasuusta
ku hayn karo waxa ka mid ahaa Ciidaha. Fagaaraha ciidduna waxa uu ahaan
jiray bataaxda dooxa Cadaadlay oo ka saxar la’aa wax ay
indhuhu diidaan. Qof waliba waxa uu soo xidhan jiray dharkiisa ugu quruxda
badan. Halkaas ayaa Sheekh Cabdillahi Axmed (AHUN), oo ah Rashiid
Sh. Cabdillaahi “Gadhweyne” aabihii, uu hoggaamin jiray salaadda
Ciidda. Xasuustayda gaarka ah ee Sh. Cabdillaahi waxa ay ahayd in uu ahaa
shaqsiyad in badan ka horreeyay bulshada dhinaca wax akhriska - maxaa
yeelay waxa uu lahaa maktabad isugu jirta culuunta diiniga ah iyo arrimaha ay
ka mid yihiin dhaqaalaha iyo siyaasadda, goor kasta oo aan la kulmana waxa aan
arki jiray isaga oo ku fooggan akhriska mid ka mid ah kutubtiisa.
Si gaar ah waxa aan u xusayaa aabbahay oo Xoghaye (secretary)
ka ahaa xisbigii SNL oo aad ugu firfircoonaa arrimaha xisbiga. Mas’uuliyadahiisana
kala duwanna waxa ka mid ahaa in uu bulshada ogaysiiyo xafladaha xisbiga oo la
odhon jiray “Macfal” (ereygu waxa uu
kasoo jeedaa kan Afcarabiga ah ee Maxfal),
kolkaas oo uu magaalada la dhex wareegi jiray dawan qori ka samaysan si uu
bulshada u ogaysiiyo isu-imaatinka.
Dawanka qoriga ka samaysan waxa aan kaga hadlay maqaalka (fadlan eeg
dabarkan:
Halkeer waxa ah, oo ilaa maanta sidiisii u taagan, una
cagaaran qudhacii damalka ahaa ee hadhkiisa uu Buraale igaga jaray hilibdalqaha
iyo goobtii shaqo ee farsamayaqaankii Aadan Tumaal iyo weliba kaalintii
muhiimka ahayd ee uu bulshada ugu jiray.
Waxa i hor imanaya buufimadii
harag-riyoodka ka samaysnayd oo wiilkiisu laba-gacmoodinayo, kolbaba marka uu
dabka buufiyona dhimbiilo kaga yaacin jiray, kaddibna birti kulayl la casaan
jirtay, iyo Aadan oo ku soo qabanayay birqaab, cuddaddiina
ku dul qaabaynayay. Waxana uu
tusaalahaasi u yaallay xalaal-miirasho.
Xasuus kale oo mudnaanteeda lehi waxa ay ahayd markii fasalka
koobaad ee dugsiga la i qoray oo Maxamuud Axmed Cali (AHUN) noo yimid, isaga
oo hubinayay in arday kasta oo la qorayo dugsigu qaybsanaaa ugu yaraan
shan (5) jus oo Qur’aan. Iskuulka waxa kale oo ka ag dhawaa bar caafimaad. Waxana ka hormood ahaa shaqaale caafimaad oo lagu naanaysi jiray Dhigane. Derejadiisu ahayd kalkaaliye caafimaad, waxana i yaab gelin jiray dharkiisa shaqo ee dhayda ka cad iyo saxar la'aanta goobta uu ka shaqeeyo. Dadka caafimaadkoodu aad buu uga wanaagsanaa sidatan maanta, kumana socod badnayn xaruntan keliya ee caafimaad.
Xaggee aan se ku illoobaa daayeerkii yaraa ee "shaqaabadda" ahaa ee cuntada iga boobi jiray. Qoyskayaga oo reer guuraa ahaa, keligay baan aabbo magaalada kula noolaa, dukaan (macdaar) uu ku haystay halkaas. Daayeer yar oo rabbaayad ah ayaa nala joogay. Mar Alle marka raashinka la ii soo dhigo ayuu boob igu ekayn jiray. Waxa se uu aabbo kaga "sayidcalayn" jiray isaga oo kartuun weyn oo laga faaruqiyay sigaarkii Balaayirka (Player's) la odhon jiray, aniga iyo quraacdayda na dhex dhigi jiray inta aan ka dhammaysanayo.
Xaggee aan se ku illoobaa daayeerkii yaraa ee "shaqaabadda" ahaa ee cuntada iga boobi jiray. Qoyskayaga oo reer guuraa ahaa, keligay baan aabbo magaalada kula noolaa, dukaan (macdaar) uu ku haystay halkaas. Daayeer yar oo rabbaayad ah ayaa nala joogay. Mar Alle marka raashinka la ii soo dhigo ayuu boob igu ekayn jiray. Waxa se uu aabbo kaga "sayidcalayn" jiray isaga oo kartuun weyn oo laga faaruqiyay sigaarkii Balaayirka (Player's) la odhon jiray, aniga iyo quraacdayda na dhex dhigi jiray inta aan ka dhammaysanayo.
Ugu dambayn waxa aan keydkayga maskaxeed ka maqnaan karin
dumarkii badnaa ee xaajiyadaha ahaa oo ay ka mid yihiin Xaajiyo Culus (ma
xasuusni magaceedii, se waa naanaysteedii), Xaajiyo Cawo (Alle dhammaantood ha
u naxariisto e) oo ta hore ahayd ganacsato, tan dambena ahayd cuudiso. Tan dambe waxa ay hooyaday noo gaysay (aniga
iyo walaalladay) bilo kaddib markii aan agoomoobay, halkaas oo ay howsheedii
ruuxaaniga ahayd mid mid noogu fulisay, soona jeedisay in maryo cascas la noo
iibiyo – maxaa yeelay (sida la noo sheegay) mashiikhdayada ayaa jecel maryaha
cascas!
Waxa ii farxad in aanan weli ka fogaanin magaaladii Cadaadlay,
si joogto ahna ugu noqnoqdo, xasuusaha kumannaanka ah ee yaraantaydiina ay
kolba isa soo cusboonaysiiyaan.
[1]
Mijirkoos: Waxa uu ahaa tiriig la neefeeyo oo ay keeni jirtay shirkad Ingiriis
ah oo Cadan iyo Berbera laamo ku leh, oo la odhon jiray Mitchell Cotts.
[2]
Bitijoor: Waxa uu asalka eraygani ka soo jeeda Af-Faransiis, waana “Petit jour”
ama “Maalin yar”. Waxana uu ahaa astaan
ganacsi oo uu lahaa toosh dalka la keeni jiray.
Asc macallin Axmad,
ReplyDeleteAjar iyo ijaabo ka hel taariikhda quruxda badan ee aad na la wadaagtay. Waa akhris qurquris ah oo aan la iska qaban karin.
Waa Boodhari M. Warsame
ReplyDeleteWaa aad ku mahadsan tahay Bodhariyow in aad I gu soo hagtay ishan burqanaysa oo aan hadduu eebbe ogolaado ku goyn doono haraadka ay naftaydu u qabtay aqoon iyo ogaalba. Qoraalkan maanhadalka ahi runtii waan aan ku raaxeystay akhrintiisa. Waxana uu mar kale i sii baray Magaaladaan Cadaadlay oo aan markii ugu horreysay ka bartay dhigganaha looga hadlay sooyaalkii Yuusuf Xaaji Aadam oo isna reer Cadaadlay ahaa
DeleteMagaalada iyo dadkeedaba guul ayaa aan u rajaynayaa. Macalin Cawaale na salaan gacaltooyo ayaa aan halkan u dhigay.
Maxamed Dhaaleey
9 June 2016 at 12:06
ReplyDeleteAsc macallin Axmad,
Ajar iyo ijaabo ka hel taariikhda quruxda badan ee aad na la wadaagtay. Waa akhris qurquris ah oo aan la iska qaban karin.
Maxamuud Gaboose
ReplyDelete