W/Q Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Ilbaxnimooyinka
adduunku waa isla falgalaan, ishodmiyaan (haddii ay tahay dhaqaale, aqoon, iyo
dhaqan), isxaalufiyaan (oo bulshooyin dhan mid kale liqdaa dhaqankoodii iyo
kheyraadkoodii), isgerbiyaan oo tartamaan. Marbana tii isu dhigta
horyaalnimo ayaa shiikhisa kuwa kale, isla markaana falaggeeda lagu meeraa.
Haddaba
nusqarnigii ugu dambeeyay, waxa soo noqnoqonayay raadeynta aadka u ballaadhan
ee ilbaxnimada reer Galbeedku ku yeelatay Caalamka Islaamka. Haddii marar badan oo ah xilliyadii Islaamku
bandiiradda u siday ilbaxnimooyinka caalamka ka jiray ay reer Yurub
ogsoonaayeen sarraynta xadaaraddaas soo shaqaynaysay ammin ku dhow shan boqol oo gu’, maanta ‘durkii ama xaggii kale ayaa la innoogu rogay!’ Sababaha dhaliyay hoos-u-dhaca ilbaxnimadii caalamka Islaamka
waa badan yihiin, halkanna kagama boqan karno.
Se mid ka mid ah raadadkii ka dhashay hoobadkaas ilbaxnimo ayaa ah in loo sibir saaro waxa la yidhaahdo Weeraka Fikriga (Intellectual
Invasion). Waxana lagu qeexaa isku-deyga ay dawladii ku
rabto in ay mid kale ku qabsato ama ku saamayso si ay ugu jeediso jiho gaar ah.
Waxana la sheegaa in Weerarka Fikir uu ka halis badan yahay ka millateri, maxaa
yeelay kan hore waxa uu abbaarayaa wadnaha iyo maanka ummadda.
Waxa se jira
marar ay hoosaynta han, dhagaxowgu, iyo dib-u-dhacu ummad ku keeno in ay iskood
‘u jabaan col hortii!’ Taas waxa aan
uga jeedaa, inta uu Caalamka Muslimiintu yeelay Weerarkaas Fikir, waxa jira in
le’eg oo uu yeelay dareenka hoosayntaas han iyo wax-soo-saar la’aanta maan iyo
muruq (tiknoolaji).
Buug aan
hadda akhrintiisa gacanta ku hayo oo magaciisa la yidhaahdo White Mughals, oo
uu qoray William Dalrymple, ayaa waxa iiga soo dhex baxay in aan bulsho u dhiman
keliya weerar fikir oo dibedda kaga yimaadda uun, bal se ogaanshaha dareenka
hoosayneed in uu jabka ummaddaas ka qayb qaato.
Buuggu waxa
uu ka sheekaynayaa ammintii u dhexaysay qarniyadii 18aad ilaa 19aad, dalka Hindiya oo ay u shaqo tagtay
Shirkadda la yidhaahdo British East India Company oo ka wakiil ahayd Dawladda Ingiriiska, isla markaana aanay ka
madhnayn gumaysasho, kootona ku haysatay
ama xidhatay ganacsigii Hindiya iyo dhulal kale oo ka sii bariyeysan. Shirkaddaas waxa ay u shaqaynaysay qaab dawlad oo kale waxana ay lahayd ciidankeedii.
Xilligaas se waxa dalka Hindiya ka talinayay dawladdii Islaamka ahayd ee
Maquuliyiinta. Bilowgii xilliyadaas
dawladdaasi waxa uu heerkeeda ilbaxnimo marayay meeshiisii ugu sarreeyay.
Ingiriiskii
meesha tegay waxa ay markiiba indhaha ku kala qaadeen sarraynta ilbaxnimo ee
Muslimiintii dalkaas xukumaysay. Si
tartiibtartiib ah waxa u dhacday in ay ku ashqaraaraan ilbaxnimadaas oo ugu horrayn
ay isu dhiibaan, qaataanna arrimo badan oo dhaqandhaqaale iyo diineed.
Waxa dhacday
in ay qaarkood la baxeen magacyo Muslim ah, xidheen dharkii Muslimiinta,
qaarkood Islaameen oo weliba u badheedheen in da’weyni buuryada lagaga jaro! Qaar
kale shiishaddii cabbaan, qaarna midhihii geedka betalka la yidhaahdo ee marka
la calaashado afka caseeya ay cunaan. Iyo.. iyo..
Ha yeeshee,
hoos-u-dhacii ilbaxnimadii Muslimiinta,
iyo kor-u-soo-kacii tartiibtartiibta ahaa ee tii Ingiriis ayaa maalinba ta ka dambaysa u soo shaacbaxaysay, isbeddelna ku samaynaysay kaalmihii ay bulsho ku ahaanaysay ‘bixiye’, ta kale ahaanaysay ‘qaate’.
Dhammaadkii
qarnigii 19aad, waxa ay noqotay in Muslimiintii ay iyana maraan tubtii uu
Ingiriisku soo maray markii ay tageen Hindiya:
Dharkii reer galbeedka xidhaan, cunnadii iyo cabbitaankii reer Galbeedka qabatimaan,
waxbarashadoodii doorbidaan, fikirkoodii maanka u siidaayaan, … ha kaba
qaban…!
Haddii 200 oo gu' sarreeye noqday hooseeye, ma suurayn karnaa saansaanka dalalka Islaamka, sannadka 2123 (ama laba boqol oo gu' oo kasoo bilaabma markii la riday Khilaafadii Islaamka?)
No comments:
Post a Comment