W/Q: Axmed
Ibraahin Cawaale;
aiawaleh@gmail.com
Socdaalkaygii saddexaad ee aan Turkiga ku tegay
waxa uu maalintaydii labaad (24/2/2018) i mariyay, Qasriga Dolmabahche. Mahadda waxa leh wiilkayga Farxaan oo igu
baraarujiyay daawashada dhismahan yaabka leh.
Waxa dhisay Suldaan Cabdulmajiidkii koowaad ammintii u dhexaysay
1843-1856. Waxana uu ahaa Xaruntii Madaxtooyada
Dawladdii Cismaaniyiinta ammintii u dhexaysay ammintii u dhexaysay 1856-57; 1909-1922kii. Waxa ku baxday dhismaha hanti u dhigantay (2013kii)
1.5 Bilyan oo dollar (ama 1500
milyan) waxana la sheegaa in
mashruucaasi cidhiidhi geliyay miisaaniyaddii Imbaraadooriyadda. Dhismaha dhererkiisu waa ilaa 600 oo mitir,
waxana uu ku fadhiyaa baaxad dhuleed 220,000 mitir oo wareeg ah.
Waxa uu xarun iyo hoyba u ahaa lixdii Suldaan ee
u dambeeyay Imbaraadooriyaddii Cismaaniyiinta, oo uu soo gebagebeeyay Mustafa
Kamaal Ataturk 1922kii. Ataturk,
laftarkiisa, ayaa xarun maamul iyo hoyba ka dhigtay qasrigan; waxana uu ku
geeriyooday mid ka mid ah qolalka qasriga 1938kii.
Qaabka handasadeed ee dhismuhu waa uu ka leexday
qaabkii lagu yiqiinnay Turkiga, maxaa yeelay waxa uu kulmiyay hannaankii dhisme
ee Reer Yurub (kii kalaasiikiga ahaa iyo kii cusubaaba) iyo kii Cismaaniyiinta.
Si la mid ah, marka laga tago
injinneerradii u dhashayTurkiga ee dhisay dhismaha, waxa kale oo ka qayb qaatay
farsamoyaqaanno reer Yurub ah.
Waxa la ii sheegay in maalinta keliya ay soo
booqdaan dad tiradoodu ku dhowdahay 3,000 oo qof. Dadka soo booqda oo u badan Turki, waxa iiga
muuqatay sida ay ugu han weyn yihiin sooyaalkooda, waxana, iyaga oo kooxkoox u socda, ay daadihinayeen carruurtoodii, iyaga oo ku canqarinaya, mayracinayana taariikhdooda. Waxa aan dareemay muruqo
ka dhalatay kalatagganaanta hodantinnimadooda sooyaal iyo haawashada ama madhnaanta
aynnu badnay dugaasheenna.
Weyddiimo kala duwan ayaa maankayga ku soo
dhacay: Horta maxaa sooyaal ah oo ay dadkaygu wadaagaan, ku heshiis yihiin,
isuna tiriyaan? Miyaan sooyaalreereedyada
lagaga kalsooni badnayn middi la wada lahaan lahaa, sidaas awgeedna aan wax danayn ah la siinnin wixii la wada lee yahay?
Waar bal u kaadi ayaa ay i tidhi naftu: Miyaanay goobta Laas Geel ahayn mid la wada
lee yahay oo aynnu ku faanno? Waxana aan ugu eray celiyay: “Dee
sidaas waxa suurtogal ka dhigay iyada oo ciddi naqshadaysay aan reer hebel loo
garanaynin!”
Dalxiiskayagii qasirga ayaannu sii wadannay. Dhegahana waxa iigu jiray warbixin Af
Ingiriisi ah oo duuban oo kolba meesha aannu istaagno faahfaahin ka
bixinaysay. Mar keliya, annaga oo jaranjaro
kor u qabsannay, ayaa aan warbixintii ku dhex maqlay xog lama filaan iyo yaab
igu noqotay:
“…Laambadahaasna waxa
dubaaladahooda ku dahaadhan foolmaroodi uu amiir Soomaaliyeed hadyad ahaan ugu
fidiyay Suldaanka!”
“Yaa!” ayaan idhi, inta aan ku jeestay
Farxaan. “Aabbo sidaas iyo sidaas ayaa
warbixinta ku jirta. Bal inna celi aynnu jaranjarada soo qabsanno mar labaad,
dhegtana gasho rikoodhka si aad dhegahaaga ugu maqasho!”
Alleylehe, intaasiba waxoogaa hanweyni ah ayaa ay
i gelisay. Mar baan ku dhawaaqi gaadhay “Soomaali
baan ahay!” Ma garan karo Amiirkaas
Soomaaliyeed kuu ahaa, mana kala jecli in la aqoonsado iyo in kale, maxaa
yeelay cid uun baa reerayn doonta, ka dibna hoos u dhigi doonta; waxa se igu
filan in qasrigan yaabka leh ay dadkaygu wax ku darsadeen, si la mid ah
sida ay dawlado waaweyni uga qayb qaateen, si ay ugu muujiyaan
heersarrayntooda. Tusaale ahaan,
boqoraddii Fiktooriya ee dalka Ingiriiska ka talin jirtay, waxa ay dhismahan
ugu deeqday rucub-laambadeedka (chandelier)
adduunku ilaa haatan ugu weyn, culayskiisuna dhan yahay afar tan iyo badh, oo leh 750
laambadood, oo laga soo laalaadiyay mid ka mid ah hoolalka qasirga, laguna iftiimin jiray gudihiisa! Miyaanu se Qaysarkii Ruushku isna u soo dirin
roog lala ashqaraaro oo ka
samaysan haragga xayawaanka madaxkutida; si la mid ahna madax kale oo
adduunkuna hadyado kale u soo dirin si magacoodu uga muuqdo. Haa! Anigana Soomaali ahaan waa ii sharaf ah
in laambadaha tirada badan dubaaladahooda lagu dahaadhay lafta foolmaroodiga
kol haddii ay ka yimaaddeen “Amiir Soomaaliyeed!”
Ahmed Ibrahim Awale mahadsanid. qoraalkaasi aniga ayaabu qasriga i dhex mariyey. Waxan ka faa'iday Soomaalinimada haddii hoos laga degaba, in aan waxba la isku wada raaci karin. Amiirkaasi inuu Soomali ahaa intaasaaba inagu filan.
ReplyDeleteWalaal aad iyo aad baan u mahadsantahay. Waaba sida aad tidhi.
DeleteWaa mid xiiso leh. Mahadsanid, Axmed. Adduunka wax baynu ku lee nahay, ee sow tan dhibaato reernimo ina haysata!
ReplyDeleteHaa. Innaga ayaa is rifnay, raadkeennii dib u tirtirnay oo horusocod isu diidin.
ReplyDeleteRun ahaantii Waa taariikh makhraati u ah jiritaanka soyaal dhegal diblomaasiyadeed oo raad nool ku lahaa saaxadda siyaasada ee dunida, waayo waxaa markaa tartan is muujin ah ku jiray boqortooyooyinkii waawaynaa oo keenayay agabkaa qiimiga ban sida boqortooyadii ingiriis.
ReplyDeleteMacalin taariikh nolokeedka iyo habsami u socodkii amiirkaa soomaaliyeed baadhistiisu waa muhiim, waana tixraax ididiilo dhalinaya haduu ka badbaado cudurkii qabyaalada iyo anaguu ahaa ee liidi jiray halyay walba oo soomalida ka dhasha.
Mahadsanid macalin.
Maanshalah. Ustaad Axmed Ibraahim, Soomaalidu taariikh fac weyn ayaa ay lahayd. Balse lama weeleyn; waanna arrinka waxeenni ka dhigay wax aan meel loo raaco lahay. Waxa aan ku talin lahaa ugu yaraan in aad soo ogaato qarnigii haddiyadaas la guddoonsiiyay boqorka, taasi waxa ay inoo sahlaysaa in dib loo raaco taariikhda.
ReplyDeleteWaad ku mahadsan tahay Ustaad in farriintaas aad nala wadaagto.
Si wacan, Lahaanshaha gaarka ah, In uu ka wacanyahay wadda lahaashaha.
ReplyDeleteMahadsanid ustaad. niyada ayaan kaagala dhawaaqay "SOOMAALI BAAN AHAY!". waa wax weyn oo lagu faano runtii.
ReplyDeleteKu mahadsanid Abdilahi Salah dareenka aad ila wadaagtay oo ah in aynnu si wax u wada aragno.
ReplyDeleteAhmed
Waa sheeko iyo taariikh muhiima oo aad noo soo gudbisay Ustaad Axmed Ibraahim Cawaale. Mahadsanid adeer.
ReplyDeleteAdaa mudan Ali Abdirahman.
ReplyDeleteTaariikh la yaab leh iyo dhacdo lama filan ah mahadsanid Awale
ReplyDeleteMahadsanid. Soomali ayaan ahay waad asiibtay war lagu farxo oo yididiilo ino noqonkara Suldaan Soomaliyeed loo dhaafimaayo
ReplyDeleteWay caafimaad qabeen EEBE ha inaga daweyo qabyaalada.