W/Q Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Toddobadii fiidnimo ayay ahayd. Dhabarka ama duddada guri aan ku lahaan jiray
xaafadda Baar-Waraabe ee Niyuu Hargeysa.
Waxa I weheliyay Prof. Faarax Barre Shire oo hadda Jaamacadda Hargeysa
cashar-jeediye ka ah. Labadayada guri
waa is xigeen. Waxa ay ahayd 31kii May
1988, habeen salaasa oo ay Arbaci soo gelayso, dayaxuna 14aad ahaa. Labadayaduba hilaaddii laba gu’ ka hor waxa aannu ka soo laabannay dalka
Sucuudi Carabiya oo aannu ammin kasoo
xoogsanaynnay. Labadayduba waxa aannu
xidhnayd qamiisyo. Culimo maanaan ahayn
e, waxa se uun buu ahaa dhaqankii dharxidhasho ee aannu dalkaas kala soo noqonnay. In yar ka hor waxa aannu dhammaysannay
salaaddii fiidnimo (maqrib). Weli
maankayga waxa ku sii jirtay duco-dhaqameed Af Soomaali ah oo uu oday Diiriye la odhan jiray (EHUN), oo
aannu deris ahayn nagu tujiyay gego bannaan oo gurigayga ka dambaysa. Saddex bilood salaad Maqrib masaajid kumaannu
tukan. Bannaankaas ayaa mawlac noo ahaa. Magalada waxa ka jirtay bandoo. Dadka sida xoolaha ayaa salaadda casar dabadeed lagu sandullayn jiray in ay
guryahooda ku xeroodaan. Qof kastaaba
waa garan karaa in uu habeen dheeri ka dambeeyo, una baahan yahay in uu
bannaanka guriga yar socsocdo.
Shan cisho ka hor, 27kii Mey, ciidankii Dhaqdhaqaaqa
waddaniga Soomaaliyed ee ku caan baxay SNM ayaa magaalada Burco galay,
gacantana ku dhigay. Dadka magaalada
Hargeysa ku nooli si la mid ah waa ay
filanayeen in ciidankii SNM soo geli doono, maalin aan durugsanayn. Waxana hubaal ahayd in ay raagsanayeen – saansaankii
ka jiray dalka iyo wixii dadka la baday awgeed.
Dareenka taliskii markaas Gobollada Waqooyi ka
talinayay aad ayuu u gig tirmay. Si ay ku
baajiyaan weerar Hargeysa lagu soo qaadana wax Alle wixii ay awoodayeen waxa ay
ka sameeyeen diyaar-garowgeedii. Ciidan ayaa habeen oo dhan magaalada dhex gaaf
wareegi jiray. Dadka tuhun iyo tuhun la’aanba
waa lagu jiray.
Ugu dambayn, sidii aannu meeshii u taagnayn
(Prof. Faarax Barre iyo anigu) ayaa uu gariir iyo hillaac ka dhashay qaraxyo
nooga baxeen meel Hargeysa kaga beegan koonfur.
Dayaankaas iyo iftiinka qaraxyadaasi kolba waa ay soo dhawaanayeen. Mar qudha, annagoo indhahayga iyo laabahaba
kala soconna weerarka xooggan ee ku soo fool leh Hargeysa, ayaa waxa
dhabarkayaga isasoo taagay afar nin oo ciidan ah oo ka kala tirsanaa Xogga
Dalka Soomaliyeed, Daraawiishta, Booliska iyo Guulwadeyaasha. Kii Guulwadaha ahaa ayaa isaga oo na hiifaya
cod dheer ku yidhi:
“Xunyow xunku dhalay, sow ma tihidin “Qudhmistii”
dharcadda ahayd? Waannu ognahay in aydin
meesha miino ku aasayseen!”
Markaas baan u celiyay: “Waar bal Shaydaanka
iska naar. Miyaanad arkayn in aannu mawlacan yar uun wax yar ka hor ka kacnay.
Waad u garaabi kartiin, qof casarkii guriga ku soo xerooday, oo habeen dheeri
sugayo, in uu waxoogaa jimicsi ah u baahan yahay.”
Mid kale ayaa yidhi: “Haddaa maxaydin koonfur
ka eegaysaan? Miyaanay u ekayn in aad
hoosta ka leedihiin “Ha beenaan! Ha beenaan!
Waar soo kaxeeya!”
Waxa ay na fareen in aannu hor gallo. Durbadii xaafadihii ayaa laga soo wada baxay.
Se qof juuq odhan karaa ma jiro.
Suryooyin geedka tiinku ka baxo ayay na sii dhex mariyeen. Cabsida iyo
qalalaasaha magaalada ku soo fool leh ayaa ka dhigayay dareenkooda in ay intii
badnayd aamus ku sugnaadaan. Jabaqda kabahooda “qadha” ah ayuun baa markii ay
darsameen iila muuqday muusig dhiillo xambaarsan. Markaasna tiraabtayadii aannu ugu faahfaahin
rabnay in aanaan wax dhibaato ah ku foogganayn waxa ay inta badan ku dhacaysay
meel madhan.
Markii dambe ayaa midkii ka tirsanaa ciidanka
Daraawiishtu yidhi: “Waar innaga siidaaya!
Kuwani waa wadaaddo e! War noqda,
oo ha leexleexannina!”
Odhaahda ninkaasi yaab ma lahayn. Maxaa yeelay, xilligaasi waxa ay ahayd ka hor
intii aanu wadaadku qoriga qaadan ama aragtidii hore ee ragga loogu kala qaybin jiray "wadaad" iyo "waranle."
Dad badan oo habeenkaas la qabqabtay, oo ay ku
jireen 3 qof oo xaafaddaas aan ku jiray degganaa, dib looma arag meel ay jaan iyo cidhib
dhigeen.
No comments:
Post a Comment