W/Q Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Noolaha loo yaqaan Wiyisha
cad (White Rhino) waa laba jaad: Caddaanka Wiyisha Waqooyiga, iyo Caddaanka
Wiyisha Koonfuriga ah (Northern and Southern White Rhinoes). Labada jaadba
keliya waxa ay xero-dhalad u yihiin Afrika. Iyada oo guud-ahaan labada jaadba
halis la geliyay, Caddaanka Wiyisha Waqooyiga ayaa si ba’an loo cidhib tiray.
2018kii, waxa bes u dhintay
midkii arlada ugu dambeeyay ee ahaa Caddaanka Wiyisha Waqooyiga. Waxa uu ku
dhintay duqnimo (45 jir) u dhiganta 95 jir aadane. Wiyilkan oo magaciisa la
odhan jiray Suudaan, waxa ifka kaga dambeeya laba neef oo labaduba dheddig yihiin,
midkood oo uu dhalay 1989kii waxa la yidhaahdaa Nijiin, iyo Fatuu oo ay Nijiin
sii dhashay 2002dii.
Wiyilkii Suudaan |
Laga soo bilaabo 2
jirkiisii, xilligaas oo wiyilka Suudaan duurka laga soo qabtay (maxaa yeelay
waxa isaga iyo dirkiisuba noqdeen qaar aadanuhu halis geliyay), waxa lagu hayay
hoy nabdoon oo ku yaalla dalka jamhuuriyadda Jeek (Czech). Waana meesha uu ku
badbaaday, haddii kale, beri hora ayaa uu u dhiman lahaa foolkiisa keliya;
dhiggiisiina in duurka lagu arko waxa u dambaysay gu’gii 2006.
Waxa ay ahayd 2014, markii
Wiyilkan dhifka ah la suuxiyay si mani looga qaado ama looga reebo, kol haddii
uu aha ka keli ay ee lab ah ee markaas noolaa – bal in la yeeli karo in, iyada
oo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah inuusan noolahaasi tafiir go’an.
Nasiib-darro, wiyilkii Suudaan, looma qorin in uu nolol ku arko mar kale oo
tafiiri u dhalato iyada oo la isku deyay in loo tu’iyo qaalin Caddaanka Wiyisha
Koonfureed, si uu uga dhex dhasho noole badhax ah (hybrid).
Dr. Thomas Hildebrandt oo
ah ninkii ururinayay, isla markaana biirinayay ammin ku siman 15 gu’ manida
Wiyilka Suudaan, ka hor intii uusan dhiman, oo gacanta ku haya hilaaddii 300 ml
oo mani ah, oo lagu kaydiyay tallaagad qabowgeedu gaadhayo -196 digrii, waxa uu
ku abdo weyn yahay inuu tarmin karo labada dheddig ee hadhay ee midna uu dhalay
‘marxuumkii’ Suudaan, ka kalena uu awoowga u ahaa!
Arrintani ma aha mid fudud.
Maxaa yeelay, marka hore ugxaan ayaa laga soo qaadayaa labada dheddigga ah
(Fatu iyo Niijin), ka dib waxa lagu bacriminayaa manidii Suudaan. Ka dib, hooyo
ergis ah oo ah Caddaanka Wiyisha Koonfureed ilme-galeenkeeda (surrogate mother)
ayaa la dhex dhigayaa is uu ilmuhu ugu dhex koro, ka diba ay u dhasho !
Waxa la is-weyddiin karaa:
Maxaa labada dheddig ah ee Suudaan midna uu dhalay, ta kalena uu awoow u yahay
markeedii horeba loogu tu’in waayay?
Erey-celintu waxa ay tahay: Niijin oo 28 jir ahi boqonta ayay wax ka
qabtaa, markaasna culayska ilmaha in ay qaadi kari weydo ayaa looga baqay;
halka Fatu ay tahay ma-dhalays. Suudaan laftarkiisuna ma uu awoodayn in uu ku boodo.
Si kastaba arrinku ha
ahaadee, walaxihii bacrimsanaa waxa ilme-galeenka loo dhigay Wiyil ka soo
jeedda firiga Caddaanka Wiyisha Koonfureed, oo lagu hayo xarun ku taalla San
Diego, dalka Maraykanka. Waxana la fili
karaa in ay foolato bisha 8aad ama 9aad ee 2019.
Arrintani haddii ay suurto
gasho, waxa lagu guulaysan doonaa in Caddaanka Wiyilka Waqooyi laga badbaadiyo
tafiir-go’ la hubo.
Arrintan murugada leh waxa
ay inna xasuusinaysa in 2004tii ay ahayd xilligii ugu dambeeyay ee duurka lagu
arko dameerka Gumburiga loo yaqaan ee afka qalaad loogu yeedho Somali Wild Ass
ee dhifka adduunka ku ah.
Nooleyaal kale oo iyaguna
galbaday waxa ka hadhay uun xasuustooda keliya goobo magacooda sita, sida Dooxa
Siig, Buurta Gacan Libaax, Buurta Dul-Biciid, Dooxada Maroodi Jeex, Banka
Geri-aad, Buurta Gumburi, Banka Farow-weyne, Laas Wiyileed, iyo Goodir-ood.
Waa laga yaabaa in
akhristeyaasha qaarkood yidhaahdaan, ‘bal rogmashooyinka, dhimashada iyo
dhiig-baxa aadane ee ciiddaas iyo camaarkaas ka batay ayuu isna wiyil baqtiyay
oo aan ta’iyo ba’toona ahayn, waxbana kala ogayn (illeyn waa tii la yidhi bisha
oo sii gebogebo ah ayay bil-kheyr tidhaadaa e), noo soo tebinayaa!
Waxa aan ka idhi arrinkaas:
Waayitaanka jaad ka mid ah nooleyaasha Eebbe (Sarree oo Korreeye) ku uumay
arlada korkeeda, waa iyada oo la waayay Aayad ka mid ah Aayadihiisa Kowniga ah
!
No comments:
Post a Comment