Sunday, 20 January 2019

Qirasho


W/Q Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com

Qirashadii Maxamed Jaamac Abgaal ee ahayd in uu  hadda la tacaalayo caafimaad-darro  iyo dareen werwer ka dhashay xoolo ummaddeed oo wax kasoo gaadheen intii uu wasiirka ahaa, iyo cafis-weyddiisashadiisa bulsho waxa ay tilmaan u yihiin in ninkaas damiirkiisu nool yahay.  Haddii markii uu howlahaas faraha kula jiray damiirkaas nooli la legdamayay hunguri-weynaan, se laga reeyay, in uu weerar-celis sameeyo, isaga oo damiirkaas/ iimaankaasi dhinacyo kala duwan (oo ay ugu mudan tahay fayoobida caafimaad) ka rifayay miskiinkan, kana soo dhiciyo cadawgaas sitay,  keliya ma aha guul qof-ahaaneed, bal se waxa bulshada ugu jira casharro wax lagu qaadan karo.  Soomalida dhexdooda, in uu qofku bannaanka soo dhigo gefafkiisa ama nuglaanshahiisa, waxa in badan looga fal celiyaa wiirsi.  Taasina waxa ay dhalisaa in  huursiga musuqmaasuqa, laaluush-qaadashada iyo xatooyadu ay noqdaan qaar hadheeya nolol-maalmeedka bulsho.


Meelo ka mid ah dunida waa la dhiirri-geliyaa “qirashooyinka” jaadkan oo kale ah, bal se sida ay dadka qiranayaa daacad uga yihiin qirashooyinkaas waa lagu tartansiiyaa, laguna abaal mariyaa!  Dalka Shiinaha waxa ka jira barnaamaj TV oo taxane ah, lana yidhaahdo “Always on the Road” – kaas oo lagu waraystay 77 mas’uul. Dadkaasi iyaga oo xukuman ayaa ay sidoo kale bulshada la wadaagayeen xumaanta ku-takri-falkoodii mas’uuliyadeed iyo laaluush-qaadashadoodii.

Maxamed Jaamac Abgaal, waxa ay aniga ila tahay in uu jid cusub inoo jeexi doono, waxana aan anigu u qirayaa in uu yahay shakhsiyaddii sannadka 2019ka. Qof-ahaanna anigu waa cafiyay.  In qirashadiisaa looga faa’iideysto shaac-bixinta xumaanta ku-takri-falka mas’uuliyadeed iyo xatooyada hantida dadweynaha waa arrin mudnaanteeda leh.  Waxa kale oo ay ila tahay in qirashadiisaasi  xalay hurdadii  ka xumaysay dad badan (oo ay ku jiri karaan mas’uuliyiin hadda joogta iyo kuwo hore soo marayba).

Aanu ku soo ururiyay qoraalkan kooban kaalinta uu damiirku iyo rumayntu ku leedahay xalaalmiirashada qofka.  Waa qoraal aan ka soo dhex qaatay buuggayga Tigaadda Tasawufka.
[…] Abu Yazid al-Bestami waxa uu ahaa Suufi noolaa qarnigii 9aad MKD.  Isaga oo wax ka qoray xalaalmiirashada, waxa uu sheegay in hooyadii ku tidhi:
“Mar Allaaliyo kolka aan rudhmo aanan hubin xalaalnimadeeda aan afkayga geliyo, uurkayga ayaad ku dhex dhaqdhaqaaqi jirtay, manaad joojin jirin ilaa aan afkayga ka fogeeyo.”  (Ilwareed: Tadkiirat –ul-Awliyaa)  […]

No comments:

Post a Comment