W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale E-mail: aiawaleh@gmail.com
Takhayga ama Showro waa geed yaab badan. Waa geed qaayibay ku noolaanshaha biyaha badda ee xeebaha dhulal badan. Waxana suurto geliyay xididdadiisa biyaha badda oogada kor uga soo baxa ee uu hawada ka qaato iyo sidoo kale awoodda uu u leeyahay in uu biyaha badda sifaysto, jaadadka qaarkoodna ay leeyihiin wax sida qanjaha oo kale oo ay milixda ka xooraan.
Waxtarkiisa
kala duwan, inta ilaa hadda la ogyahay, waxa ka mid ah kuwan hoos ku qoran:
Xididdadiisa
cufan ee ku qotoma ciidda badda, waxa ay nooleyaal badan oo uu ka mid yahay
kalluunka cayddiga ahi u noqdaan qaadh ay ku koraan, kagana badbaadaan
ugaadhsiga noole kale inta ay ka korayaan – ugu yaraan guga ugu horreeya ee
noloshooda. Marka ay gaadhaan heer ay isku hubi karaan in ay yeeshaan tabo ku
filan inay si madaxbannaan ugu dhiirradaan dhex-mushaaxidda badda ayay u baxaan goobaha durugsan ee ay wax ka
quutaan, kuna qaataan noloshooda inteeda badan.
Waxa
uu Takhaygu kaalin mudnaanteeda leh ka ciyaaraa saxar tirka hawada. Sida ku
xusan daraasadaha qaar, halkii hektaar ee geedka Takhayga ahi, waxa uu hawada
ka nuugaa, isla markaana xeraystaa in ka badan toban-jibbaar inta ay xereeyaan
keymaleyda dhulalka kulaaleyaasha ku yaal. Sidaas daraaddeed, kaalin wax-ku-ool ah ayuu
ku leeyahay yaraynta saamaynta doorsoonka cimilada.
Waxa
uu geedkani dhulxeebeedka ka ilaaliyaa dhirbaaxooyinka halista badan ee
duufaannada – kuwaas oo gadaashood kaga taga burbur iyo dhimasho. Tusaale nool
oo arrintan ku saabsan waxa la arkay xilligii Sunaamidii (2004). Waxa la ogaaday in degsiimo-xeebeedyadii
dugsanayay Takahygu ay ka waxyeello yaraayeen kuwii dhiggooda ahaa ee
xeebahoodu ka madhnaayeen geedkan.
Takhaygu
waxa uu xeebaha ka ilaaliyaa carroguurka, siiba meelaha ay iskaga darsamaan biyaha macaan (dooxyada iyo
webiyada) iyo kuwa baddu. Goobahaas oo loo yaqaan (estuaries) waxa ay
yihiin qaar mudnaantooda leh marka la eego dhinaca wax-soo-saarka iyo in ay
yihiin meelo ay ku nastaan shimbiraha hayaama, ugana sii sahay qaataan
duullimaadyadooda dhaadheer. Meelahaas ilaashan ee dugsoon waxa kale oo ku tiirsan oo ugxaantooda dhigta
nooleyaal ay ka mid yihiin kalluunka, qolfooley badeedda kala duwan iqk. Geedkan xididdadiisa biyaha ka sarreeyaa waxa
ay dhimaan xawaaraha biyaha, waxana ay suurto geliyaan fadhiisinta ciidda,
goobahaasna waxay ka ilaaliyaan carroguurka.
Waxa
intaas dheer, xiisaha dalxiis ee ay suurtogeliyaan keymaleyda Takhaygu oo ah
mid bulshooyinka la deriska ah u soo jiidi karta dhaqaale.
Jasiiradda
Sacaada-Diin ee ka ag dhow Saylac ayaa ka mid ah goobaha ugu caansan uguna
dhowrsan xeebaha Gacanka Berbera (Cadmeed), Badda Cas iyo guud ahaan kuwa
Soomaalida inteeda kale. Waxa ka baxa
laba geed oo mid yahay Takhay (Avicennia marini), ka kalena yahay Qandal (Rhizophora
mucronata). Labada jaadba waxa ay ka tirsanyihiin dhirta Af Ingiriisiga loo
yaqaan “mangroves”. Waxa xusid
mudan in badda Saylac ahaan jirtay meel lagala soo baxi jiray luulka. Farsamada
quusidda badda ee lagula soo baxo dhambalaha isku daboolan ee ay ku
xeraysanyihiin luulku waxa ay soo gaadhay 1920.
Sidaas waxa qoray qoraaga buugga “Sun, Sand and Somals” ee uu
qoray Major Rayne, oo ahaan jiray Badhasaabkii Saylac. Dhirta takhaygu waxa ay
abuuraan sabooyin ay ku tarmaan qolfooleyda dhambalaha leh (Oysters) ee lagala
soo baxo luulka.
Saylac
iyo meelo kale oo xeebaheenna ah, geela ayaa daaq u raadsada geedka, xaabo ayaa
laga dhigtaa qoryahiisa, jirridihiisa iyo laamihiisana waxbaa lagu dhistaa.
No comments:
Post a Comment