W/Q Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com
Aniga saaka dabbaaldeggaygii 18 May waxa hadheeyay dhicitaanka geedkii caanka ahaa, misane guunka ahaa ee Wadaamago. Geedkan da’ahaan, astaan ahaan iyo dhaqan ahaanba waxa uu ahaa mid u qalma magacbixinta lagu maamuuso dhirta la jaadka ah ee ah “heritage trees” oo ah in uu yahay dhaxal soojireen ah.
Haddaba maxaad ka taqaannaa geeka berdaha?
Geedkani waxa uu ka mid yahay bah-dhireedka la isku yidhaahdo “fig trees” oo ah tiinka uu Eebbe ku dhex xusay Qur’aanka kariimka. Bah-dhireedkaas inta kuwa dhulkeenna ka baxa waxa ka mid ah Berdaha (Ficus vasta) oo dhowr jaad ah, Darayga (Ficus sycamorus) iqk. Bah-dhireedkani, qaar badan oo ka mid ah bulshooyinka adduunka waxa looga aqoonsanyahay in ay yihiin dhir barako la la xidhiidhiyo.
Masiixiyiintu, sida ku qoran Baybalka waxa ay rumaysanyihiin in uu ahaa geedkii ay Nebi Aadan iyo Xaawi caleentiisa dhar ka samaysteen si ay ugu qariyaan ‘xumaantoodii’ ka dib markii ay cuneen midhihii geedkii looga digay.
Si la mid ah diimaha reer Bariga, sida ta Hinduuska iyo Buudiisamka waxa looga yaqaan in uu yahay berdahoodu (Ficus religosa) geed amran. Tusaale ahaan, qolooyinka rumaysan diinta Buudiisamku, waxa ay qabaan in aasaasihii diintaasi, Gautama Buddha, in wax loo nuuriyay (enlightment) xilli uu ku hoos khalaaweynayay geedkaas.
Haddii aynu u nimaadno diimihii hore ee ka jiray Geeska Afrika, waxa la isla qirsanyahay in bah-dhireedka Berduhu, siiba (Berdaha iyo Daraygu) ay iyana ahaayeen qaar amran oo dadyowga rumaysnaa diintii Waaq ay barako la beegsan jiray taas oo la rumaysnaa in rooxaanta “Ayaan ama Ayaana” ay ku soo degi jirtay.
Kal hore, bishii Noofambar, waxa dalka Kiiniya ka dhacday in Nayroobi gudaheeda loo baahday in la gooyo geed guun ah oo Berde ah – maxaa yeelay waxa ku soo hagaagtay jidweyne isku xidhayay qayb ka mid ah caasimadda iyo gegada Dayuuraduhu ka haadaan ee Joomo Kiniyaata. Arrintaa waxa baajiyay olole ay qaadeen duqey ka soo jeedda qabiilka Kuukuuyaha oo rumaysnaa in geedkani yahay mid amran, goyntiisuna soo dedejin doonto dhibaato iyo hoog. Arrinta se ka darani waxa ay ahayd rumayn ay qabeen Kuukuuyada oo ahayd in haddii uu dhaco ama qallalo geed Berde ahi in ay taasi tilmaan u tahay in hoggaan jiray gabbalku u dhacayo, mid kalena beddelayo. Warkani oo ku soo baxay BBC News 30 Noofembar 2020, waxa uu dareen geliyay madaxweynihii dalka Kiiniya oo isaguba ka soo jeeday Kuukuuyada. Sidaas ayuuna ku baajiyay in geedkii la gooyo!
Adduunyada, dhirtan oo kale waxa hareeraha lagaga dhisaa wax ka ilaaliya in ay dabayli riddo, sida kan hoos ka muuqda oo jaadkiisu yahay (Brazil Nut Tree) oo aan ku dhex arkay beerta nasashada Berdana Botanical Garden oo ku taal Kuala Lumpur, dalka Maleesiya.
Geed ku yaal beer nasasho ku taal Kuala Lumpur oo sabbad lagu dhisay si aanu u dhicinWaxa la is weyddiin doonaa: Toloow geedku dib ma uga soo fiili doono gunta. Runtii weli ma hayo muuqaallo muujinaya dhibta gaadhay inta ay le’eg tahay, se waxa la samayn karaa inta si fiican loo gammuuro ayaa dhoobo madaxa laga marin karaa, waxana aan ku abdo weynahay in uu dib u soo fiili doono. Haddii se rabitaan jiray, waxaan suurtogal ahayni ma jiro: Laamihii oo la gaagaabiyo, lana taago waxa lagu abuuri karaa 1000 geed in ka badan.
Waa ka xumahay in reer Wadaamago iyo inta geedkaas taqaannay magaciisa, jeclaydna muuqaalkiisu ay arkaan dhaawaca halista ah ee soo gaadhay. Waxaan se is-weyddiinayaa saaka 18 May, Reer Wadaamago miyey dabbaal degayaan mise murugo iyo gurmad ayay ku jiraan?
No comments:
Post a Comment