Waxa gorfayn kooban ku sameeyay: Axmed Ibraahin Cawaale
Muhammad: A Prophet for Our Time
Waxa qortay: Karen Armstrong
Waxa uu soo baxay: 2006
Muxammad: Nebi ku Habboon Joogtadeenna
Waxa aynu ka wada dheregsannahay fahanka qalloocan iyo
muuqaalka weecsan ee tiro badan oo ka mid ah bulshooyinka Reer Galbeedku ka
qabaan Islaamka iyo Nebi Maxammed (NNKA).
Nacaybkaas iyo maro-ku-dhegga aragtiyeed ee bulshooyinkaas ka jafmi la’ waxa loo celin
karaa xilliyadii dagaalladii Macatab-ku-dirika ee qarniyadii 11-13aad.
Aragtiyahaas oo ay bilow ahaan fidiyeen madaxdii
mikinisaduhu, isla markaana la dhex rooreen bulshooyinkoodii, waxa ay ilaa
maanta yihiin qaar ka horjoogsada in ay doco kale ka eegaan isla markaana
ballaadhiyaan aqoonta ay u leeyihiin Islaamka iyo waxa uu xambaarsanyahay. Haddana sidaas oo ay tahay, waxa jiray ilaa
haatanna jira dhawaaqyo iyo qoraallo ku
aaddan burinta aragtiyahaas. Qaar ka mid ah kuwaasi waa: Louis Massignon, Henri
Corbin, Annemarie Schimmel, Wilfred Cantwell Smith, iqk.
Karen Armstrong oo ah 1oraaga buuggani waxa ay u dhalatay
dalka Biritayn (ama sida ay Soomaalidu u taqaan Ingiriiska). Hore waxa ay u
ahaan jirtay raahibad ka tirsan mikinisadda Roman Kaatoligga, waxa ay se aad
wax uga qortay isbarbardhigga diimaha. Tirada buugaagta ay qortayna waxa ay
gaadhayaan soddon, ku dhowaadna shan iyo afartan af ayaa loo tarjumay.
Buuggani waxa uu u dhiganyahay taariikhnololeedkii Nebi
Maxamed oo weliba si cilmiyeysan ayay u faaqidayso. Karen waxa ay qabatay
daraasad qoto dheer, iyada oo aan keliya ku kaaftoomin kaydka qoraal ee Reer
Galbeed balse kansho u heshay qoraalladii taariikhyahanno Muslimiin ah sida Ibn
Isxaaq, Al-Waaqidi, Ibn Sacad, Ibn Jariir Ad-Dabari, iqk. Waxa kale oo
buuggeeda laga dhex heli karaa in ay aqoon qoto dheer u leedahay diinta
Islaamka, aadna u daraasaysay Qur’aanka Kariimka ah, isla markaana si xooggan u
tixraacday.
Karen Armstrong oo tilmaan ka bixisay darta ay u qortay
buuggan, waxa ay tidhi:
Waxa aan goostay inaan qoro taariikhnololeed ku saabsan
Nebiga si aan isugu quturo aragtiyahaas tarajaysan (dhufayska lala soo jiifo)
ee ay adagtahay in si fudud loo beddelo. Waxa aynnu leenahay taariikh dheer oo aynu
Islaamka ka qabno cabsi una qabno nacayb
(Islamophobia) – arrimahaas oo soo bilaabmay xilliyadii dagaaladii
Macatab-ku-dirirka…… hadda ka dib se, innooma cuntanto sii-haysadka
nacaybkaasi, maxaa yeelay, waxa uun bey sii shidaalinaysaa nacaybka iyo
gacan-ka-hahdalka innaga soo noqonaya dhinacooda oo ay isla jeerkaas ka faa’iideysan doonaan
kuwooda xagjirka ahi. Nebi Maxamed ma
ahayn nin qas iyo qalalaase u saaxiib ahaa; waana in aynu taariikhnololeedkiisa
u eegno si dheelli-tirnaani ku jirto, si aynu u mahadinno ugana faa’iideysanno
waxyaabaha uu xaqiijiyay oo wax badan laga baran karo.
Karen waxa ay qabtaa in Nebi Maxamed (NNKHA) in le’eg inta uu
ahaa hage iyo hoggaamiye ruuxi ah, in uu
aha isbeddel-dhaliye u adeega soornaan (caddaalad) bulsho, waxana uu sidoo kale
ahaa siyaasi maskax badan iyo dagaalyahan xeelado badan. Intaas
uun kuma eka e, taariikhnololeedkiisa waxa laga dheehan karaa raxmaddiisa,
dulqaadkiisa, dadnimo-wanaaggiisa.
Karen dhawaaqeedu iyo farriinta uu buuggu xambaarsanyahay
waxa uu ugu horreeyn u dhacayaa akhristeyaasha Reer Galbeedka. Sida aan
filayona waa yaryahay qof si miyir iyo dhugasho ku jirto u akhriya oo aan ugu
yaraan wax iska doorin aragtiyooyinka weecsan ee Reer Galbeedku ka qabaan
Islaamka.
Buug kasta oo la qoro dhalliil lagama waayo, se isu celcelin
falcelinta uu buuggan ka dhex helay aqoonyahannada iyo culimo badan oo
Muslimiin ahi waad mid togan.
Ugu dambayn, haddii uu jiro qof aan Muslim ahayn oo weliba
Reer Galbeed ah oo aad jeceshahay in aad u soo ban dhigto Islaamka, buuggani
waxa uu awood u leeyahay in uu ka biyeeyo aragtiyo weecan oo hore loogu disay,
waxana uu u furi doonaa hamuun uu ku raadsado buugaag kale oo ka gacan siisa
inuu naftiisa la heshiisiiyo qaadashada Islaamka.
No comments:
Post a Comment